Cudur yareynaya aragtida indhaha ardeyda

05-May-2012-(Caafimaadka)-Saynisyahannada ayaa waxa ay sheegeen in ay si weyn kor ugu kacday tirada ardeyda iskuulka ka baxda ee qaba cudur aragtida indhaha oo gaaban qaaradda Aasiya.

Cilmibaarayaal ayaa waxa ay ku qoreen wargeyska the Lancet oo sheegay in ardeydaasi 90% ay qabaan cudurkaasi.

 Waxay aaminsan yihiin inay sabab u tahay iyaga oo aan helin iftiinka banaanka oo ay sii kaabtay culeyska xagga shaqada waxbarashada.

Culayska xoogga leh ee la saaray guulaha laga gaaro xagga waxbarashada ee waddammada Siinaha, Japan iyo qaybo kale oo ka tirsan waddammada koofur bari Aasiya qiime culus ayay ku kacaysaa.

Cilimi-baarayaal waxay sheegeen in shaqada waxbarashada adag ee carruurtu school-ka ka qaba iyo carruurta oo an helin bannaan hawadu furan tahay ay dhaawac u geysanayso indhaha kudhowaad sagaal ka mid ah tobankii ardayba iyadoo shantiiba midkood uu halis weyn ugu jiro inuu indhaha beelo.

Saynisyahannadu waxay sheegeen in dadka dhallinta yar ay u baahan yihiin ilaa saddex saacadood maalintii inay dibadda soo joogaan laakiin carruur badan aanay taas helin maadaama ay maalintii yara seexdaan.

Dr Ian Morgan oo horseed ka ahaa qoraalka daraasaddan waxaa uu leeyahay qodobbo xagga hiddaha ah oo markii hore loo malayn jiray inay arrimahan ugu wacan yihiin ayaa la ogaaday inaysan aragti yaraanta aad muhiim ugu ahayn sida bey’addu ugu tahay oo kale.

Waxay saynisyahannadu tusaale u soo qaateen dalka Singapoore halkaas oo ay ku nool yihiin kooxo kala jinsiyad duwan, kuwaas oo dhammaantood hadda ay dhibaato ka haysato xagga aragga.

Qorayaasha daraasaddani waxay soo jeedinayaan in mas’uuliyiinta waxbarashadu ay soo rogaan waqti ay khasab tahay in carruurta dibadda loo saaro si ay iftiinka ugu baxaan waddammada koofur bari aasia oo dhan si dhibaatada aragti yaraanta wax looga qabto.

Xigasho BBC