Arsenal Oo Lagu Dhegay, Iyo Luis Suarez Oo Seddexleey Uu Dhaliyay Guulna U Sahlay Liverpool.

England (Berberanews Sports):- Arsenal ayaa dhibco iska khasaarisay kulankii seddexaad ee isku xiga oo Premier League ah ka dib markii ay barbaro ku qabteen kooxda Stoke City ciyaar ku dhamaatay 1-1 oo ka dhacday Britannia Stadium.
Ka dib guuldaradii garoonkooda kasoo gaadhay ee Wigan iyo barbarihii goolal la’aanta ee ay wiigii hore la galeen Chelsea, rajada ay Arsenal ka qabto inay ku dhameysato kaalinta 3aad ayaa mugdi uu soo galay ka dib markii Peter Crouch uu gool madax ah ka dhaliyay ciyaarta oo socota kaliya 10 daqiiqo.

Robin van Persie ayaa ka jawaabay shan daqiiqo gudaheed isagoo dhaliyay goolkiisii 28aad ee xilli ciyaareedkan, lakiin inkastoo ay si aad ah ugu doodeen inay rikoodhe leeyihiin markii qeybtii labaad dhulka la dhigay Benayoun, Arsenal waa ay awoodi wayday inay hesho goolka guusha, waxaan ay badiyeen kaliya hal kulan shantii kulan ee ugu danbaysay ee ay bookhdeen Stoke.
Iyadoo kooxda kaalinta 4aad ee Newcastle ay guuldarro 4-0 ka soo gaadhay Wigan, Arsenal afar dhibcood ayay ka sareysaa, lakiin kooxaha Tottenham iyo Chelsea ayaa afar dhibcood iyo shan dhibcood u soo jirsan doona hadii ay badiyaan kulamadooda axada. Seddexda kooxood ee Newcastle , Tottenham iyo Chelsea kulan ayaa u hadhsan marka wiigan la wada ciyaaro ka dib.

Gool cajiib ahaa oo uu ka dhaliyay Luiz Suarez meel 55 yard u jirta goolka ayaa u dhameystirtay seddexleydiisa ka dib markii Liverpool ay 3-0  kabaha la dulmartay kooxda Norwich City oo marti loogu ahaa Carrow Road.
Inkastoo Norwich ay si xun u difaacatay, gaar ahaan kabtankooda Elliot Ward oo ciyaar xun soo bandhigay, Suarez ayaa goolkiisa seddexaad meel dheer ka dhaliyay, iyadoo goolkaasi uu ka mid yahya goolasha ugu fiican xilli ciyaareedkan.
Suarez labo gool oo kale ayuu qeybtii hore ee ciyaarta uu si fiican shabaqa ugu hubsaday, iyadoo goolkaas cajiibka ahaa uu u dhameystiray seddexleydiisa.
Iyagoo isku diyaarinaya finalka FA CUp ee Celsea wiiga soo socda, guushaan ay gaadhay Liverpool ayaa ugu soo beegantay xilli fiican, waxaana ay ilowsiinaysaa natiijooyinkii xumaa ee ay horyaalka ka helayeen xilli ciyaareedkan, iyadoo 7 guuldarro ay soo gaadhay 10 kulan ka hor kulankii Norwich.
Guushaan ayaa Liverpool waxa ay u qaadeysaa inay labo dhibcood u jiraan kooxda kaalinta 7aad ee Everton kuwasoo afar gool iyo waxba ku garaacay kooxda Fulham.
Mustafe Maxamud Diiriye
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports