Chelsea Oo Talaabo Horumar Leh U Qaaday Finalka UCL Ka Dib Markii Ay Garaaceen Barcelona.

(Berberanews Sports):- Didier Drogba ayaa dhaliyay goolka kaliya iyadoo Chelsea ay talaabo hor leh u qaaday fursada ay u heysato inay gaadhaan finalka Champions League ka dib markii ay gool iyo waxba direen kooxda Barcelona oo marti ku aheyd Stamford Bridge lugta hore ee semi-finalka Champions League.
Barcelona ayaa ciyaarta ku bilaabatay sida lagu yaqaano inta badan iyagoo kubada ka heystay Chelsea, waxana qeybihii hore ee ciyaarta ay heleen fursad loo fishay gool markii Alexis Sanchez kubad loo soo qaaday uu ka dhex baxay difaaca Blues oo u maleynayay inuu offside ahaa, lakiin Sanchez ayaa kubad qurux badan oo uu ka dul qaaday Cech waxa ka soo beenisay birta goolka.

Fursadaasi ayaana aheyd seddex fursadood oo waa weyn oo Barcelona soo martay, iyadoo Fabregas uu kubad khatar aheyd lugta la waayay isagoo hortaagan goolka Chelsea, isla isaga ayuuna ahaa ciyaaryahankii kubad uu ka kor qaaday goolhaye Cech uu xariiqda goolka ka soo bixiyay difaaca Blues Ashley Cole.
Lakiin dadaalkoodaas waxba kumay helin Chelsea ayayna aheyd kooxdii hogaanka ciyaarta qabatay dhamaadkii qeybtii hore iyadoo Frank Lampard uu kubad ka soo qaatay Messi, islamarkaana argti dheer ugu dhiibay Ramires oo dhanka bidix ku soo cararay, waxaana ciyaaryahanka reer Brazil uu baas khatar ah u dhigay Didier Drogba kaasoo isna shabaqa ku hubsaday.

Goolka Drogba ayaana ahaa goolkii 100aad ee Champions League ee ay Chelsea ku dhaliso garoonkeeda Stamford Bridge.
Inkastoo Barcelona ay kubada heysatay qeybtii hore 75% hadana qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay gool iyo waxba oo Chelsea ay ku hogaamineysay.
Barcelona ayaa sii wadatay qeybtii labaad ee ciyaarta kubad heysashadooda, waxaana ay Chelsea difaac u galeen inay ilaashadaan goolkoodii ay hogaanka ku qabteen, iyadoo Barca ay u muuqatay in Stamford Bridge uu yahay garoonkooda.
Peter Cech ayaana qeyb lixbaax leh ka ciyaaray in weerarka Barcelona aanuu dhaafin shabaqiisa isagoo badbaadiyay fursado dhowr ah qeybtii labaad ee ciyaarta. Sidoo kalena Gary Cahill ayaa dhanka difaaca soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan. Iyadoo Barcelona ay dhamaadkii ciyaarta ay heshay fursad qaali ah balse mar kale ay birta beenisay.
Lakiin Chelsea ayaa heshay natiijadii ay u baahneyd iyagoo talaabo hor leh u qaaday fursada ay u haystaan inay u soo baxaan finalka Champions League, madaama ay heleen guul iyo iyagoo shabaqdooda ilaashaday, lakiin semi-finalka Champions League weli laguma kala bixin iyadoo Chelsea ay wiiga soo socda bookhan doonto Camp Nou.
Mustafe Maxamud Diiriye “kastam”
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports