Spain Oo Soo Bandhigtay Maaliyadooda Cusub Ee 2aad Ee Koobka Euro 2012.

(Berbernews Sports):- Xulka Spain ayaa ka dhigtay maaliyadooda labaad ee Euro 2012 ay ku ciyaari doonaan midabka cirka, La Roja ayaa indhaha ku heysa inay noqoto xulkii ugu horeeyay ee ku guuleysta Euro, hadana qaada World Cup hadana ku sii xijiya koob kale oo qaaradeed.
Waxaana ay rajo ka qabaan in maaliyadooda labaad ee midabka buluuga furan uu nasiib u keeni doono marka ay tagaan Poland iyo Ukraine.

Ka hor kulanka arbacada ay kula ciyaarayaan Malaga xulka Venezuela, Spain ayaa soo bandhigtay maaliyadooda labaad, oo ku naqshad dhow maaliyadii ay xidhan jirtay La Roja 1960aadkii, sida ay sheegtay shirkada soo sameysay Adidas midabada ay ka kooban tahay maaliyadan waa mid aahn weli lagu isticmaalin maaliyad Spain ah hada ka hor.

Xiddigo ka tirsan xulka sida Xavi, Xabi Alonso iyo Fernando Llorente ayaa ka qeyb qaatay soo bandhigista maaliyadan ka hor inta aanay bilaabin tababarkooda ay ugu diyaar garoobayaan kulanka arbacada.
Mustafe Maxamud “Kastam”
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports