Ghana Oo Dirqi Kaga Badisay Botswana, Iyo Mali Oo Kabaha la Dulmartay Xulka Guinea.

(Berberanews Sports):- Ghana ayaa guul kula bilaabatay koobka qaramada Afrika oo ay kaga jiraan Group D, iyagoo 1-0 ku garaacay xulka markii ugu horeysay koobkan ka qeybgalaya ee Botswana ciyaar ka dhacday Franceville.
Xulka Black Stars oo afar jeer heysta koobka qaramada Afrika islamarkaana final soo gaadhay 2010kii ayaa koobkan ka soo qeybgalaya iyagoo ka mid ah xulalka ugu fiican, waxaana la filayay inay si sahlan ku marayaan xulka adduunka kaga jira booska 95aad, gaar ahaan markii John Mensah uu gool hogaanka ugu dhiibay daqiiqadii 25aad ee ciyaarta.

Si kastaba, Botswana ayaa diiday in guuldarro culus ay kala kulmaan xulkii wareega 8da ka gaadhay koobka adduunka, waxaana ay ku sigteen inay barbareeyaan daqiiqadii 52aad. Sidoo kale 23kii daqiiqo ee ugu danbeysay waxa ay ku ciyaarayeen iyagoo hal ciyaaryahan dheer, madaama gooldhaliyihii Ghana Mensah casaan uu qaatay. 
Xulka Mali ayaa isna waxa ay gool iyo waxba direen xulka Guinea ciyaar kale oo ka tirsaneyd Group D.
Ciyaaryahan Traore ayaa goolka guusha u saxeexay nusasaac markii ay socotay ciyaarta.
Waxaa xalay soo dhamaatay wareega koowaad ee gourpyada, waxaana maanta bilaaban doona wareega labaad iyadoo ay ciyaari doonaan xulalka ku jira Group A.
Libya oo guuldarro ku bilaabatay tartankan ayaa waxaa ay qaabili doontaa Zambia, halka xulka qeyb ka martigelinaya koobkan ee Equatorial Guinea ay iyagana is arki doonan Senegal.
Mustafe Maxamud Diiriye
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports