Ururka Kulan UK : Hambalyo Hambalyo Jamaal Cali Xuseen

Ururka Kulan UK wuxuu Hambalyo u dirayaa Aqoonyahan Jamal Ali Huseen oo si sharaf leh Xisbiga Udub ugu doortey Musharaxa Madaxweynaha Cusub ee 5 sano ee soo socota. wuxuu ururka Kulan UK uu Hambalyo labaad u dirayaa Bahweynta Xisbiga Udub guusha weyn ee u soo hoyatey ka dib markii ay doorteen aqoonyahan da’a yar oo Siyaasi cusub ah oo aan lahayn boog siyaasadeed.
Xisbiga Udub waa xisbi Bahweyn ah oo u taagan Nabadgelyada, Midnimada iyo Qaranimada Somaliland
Jamalna Waa ninkii Badbaadin lahaa Xisbiga, waana nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah oo saaxibo badan kuleh Dunida dacaladeeda, wuxuuna si fudud Somaliland ugu xidhi karaa Dunida madaama uu la soo shaqeeyey 12 dawladood oo Caalamka ah.
Jamaal Waa siyaasi cusub, kaa soo isticmaali kara Istiraajiyad cusub oo uu Caalamka kaga iibinkaro Somaliland qadiyadeeda si Ictiraaf loo helo mustaqbalka dhaw. Jamaal Waa nin aqoon dheeraad ah u leh cilmiga dhaqaalaha waxaa uu si fudud kor ugu soo qaadi karaa dhaqaalaha Fadhiidka ah ee Somaliland. Waxaana uu si fudud Shaqo ugu abuuri karaa Dhalinyarada Somaliland ee ay Shaqo la’aantu ragaadisey.
Jamaal waa nin noloshiisa gaadhsiiyey meel aad u sareysa. waxaana uu doorbidey intii uu Aduunka dalxiis ugu soo wareegi lahaa in uu wadankiisa u shaqeeyo oo uu wax ku soo kordhiyo taas oo ku tuseysa in uu Jamaal Ali yahay Nin Wadani ah oo raxiim ah.
Jamal Ali Huseen waa iftiin cusub / Weji cusub oo u soo baxay Xisbiweynaha UDUB iyo reer Somalilandba.
Waxaan ku Gebagebeynayaa Waa Ururka Kulan UK oo Leh, Hambalyo Hambalyo Jamal Ali Huseen iyo Bahweynta Xisbiga Uduba. Alleh ha idinku garab Galo. inshaa-allah.
Waa Bilaahi Tawfiiq
Gudida Fulinta
KULAN UK..