Gobollada Saaxil iyo Gabiley oo 0-0 isku mari waayay qaybtii hore iyo Maayarka Berbera oo dartenkiisa ka dhiibtay

Burco-(Berberanews)- Ciyaar aad u adag, ayaa ku dhexmaraysa ciyaartoyga Gobollada Gabiley iyo Saaxil Garroonka Kubadda Cagta magaalada Burco oo uu ka socdo tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo maalintii saddexaad galay.

Ciyaartan dhexmaraysa gobollada Saaxil iyo Oodeweyne, oo haatafn qaybtii hore ee ciyaarta ay ku kala nasteen 0-0 labada ciyaaryahan isku mari waayeen, ayaa waxa darreenkiisa ka dhiibtay Maayarka magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Cara boo ka mid ah masuulliyiinta ku sugan garroonka kubadda Burco ee ciyaartu ka socoto, isagoo dareenkiisa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Labada gobol ciyaar fiican bay ciyaarayaan, waa la kala badin karaa laakiin sida qiimaha leh ee ay ku ciyaarayaan baa wax lagu farxo ah.”

Sidoo kale, Kayse Daahir Axmed oo ka mid ah ciyaartoyga Gobolka Gabiley ayaa Radio Hargeysa uga warramay dareenkiisa, “Rajadaydu way fiicantahay, laakiin qaybta danbe ciyaar fiican inanau soo bandhigno ayaanu rajaynaynaa.”

Shebekadda Berberanews waxay idiin ballanqaadaysaa inay si joogto ah idiinku soo gudbiso marxaladaha kala duwan iyo natiijada ciyaaraha ka socda Burco.

Berberanews.com