TALO MUHIIM AH OO KU SAABSAN QAABKA DHAAWACA IYO DHIMASHADA KU HABOON IN LOO QAADO.

Waxaa wax laga naxo ah in dhiig qof Muslim ah la daadiyo nooca uu doonaba ha ahaado AMA kooxduu doonaba ha ka tirsanaado, amaba mad-habtuu doonaba ha

ayidsanaadee, illahay baana sharci u samaystay uu ku kala saarayo maadaama uu yahay kan quluubta bini-aadamka daalacanaya eeysan waxba ka qarsoonayni, mid walbana abaalkiisa gacantuu ka saari doonaa.

Waxaa qoraalkan igu kalifay ka dib markaan arkay qaabka dadka Soomaaliyeed ee Dagaalada, Qaraxyada iyo shilalkaba ku dhinta AMA ku dhaawacma loo qaado, oo dadka goobtaa joogaahi isugu dayaan inay u badbaadiyaan oo meesha uga qaadaan si ay rugaha caafimaadka ula gaadhaan.

Waxaan arkay in qaabkaasi yahay qaab aanan ku qumanayn in Dhaawaca ama Marxuumka in loo qaado, taasoo sababi karta in qaabka qofkaas loo qaaday soo dedejiso dhimashadiisa amaba dhaawicii gaaray mid ka xun sii gaarsiiso, sidaa awgeed ayay iila muuqatay inaan taladan u soo jeediyo walaalaha Soomaaliyeed, bal ila daawada sawirkan oo ka turjumaya sida qofka hada loo qaado.

Waa dhab ma haysataan qalab qofka lagu qaado, hanoqoto barrelaha/alwaaxabalaaran, ma haysataan baabuurta caafimaadka, mana haysataan baabuur kaleba noocay doonaanba ha ahaadeene, waxaadna doonaysaan inaad dhaawaca ama marxuumka meesha ka qaadaan, ha ahaado gacal amaba walaal muslim ah, walaalayaal waa hubaal inaydan sidoo kale haysan wakhti idinku filan ood qaabkii aad u qaadi lahaydeen kaga fekertaan, duruuftii doontaaba ha keentee.

Idinkoo intaas oo dhibaato ah qaba ayaad aad ugu dadaalaysaan Marxuumka ama Dhaawaca waadna ku amaanan tihiin; balse hadana waxaa lagama maarmaan ah in aad dadaalkiina sii laban-laabtaan, sidaa awgeed waxaan talo ku soo jeedinayaa inaad qaabkan qaadista wax ka bedeshaan oo isku daydaan inaad qaabkan hoos ku qoran waxii aad ka awoodi kartaan samaysaan:

1) Isku daya inaad ogaataan meesha dhaawacu qofka ka gaaray.

2) Xira oo joojiya meesha dhiigu ka soo baxayo.

3) Isticmaala Cimaamadihiina, Macawisihiina, Khamiisyadiina, Shaatiyadiina iyo Go-yaashiina, si aad ugu qaadaan qofka Dhaawaca ama Marxuumka ah.

4) Isticmaala dharkiisa inaad ku qaadaan haday suuro gal tahay.

5) Isku daya in qaar idinka mid ahi dhexda qabtaan Qofka ood si siman u qaadaan hadaad maryaha awoodi weydaan.

6) Isku daya in aad dhaawaca hal-mar isla qaadaan, oon qaarka sarena mar la qaadin qaarka hoosena markale la qaadin; halmar fadlan kor u wada qaada jirkiisoo dhan

7) Meesha dhaawacu ka muuqdo ha la dhowro oo ha la dhaqaaleeyo.

8) Ogaada dhaawaca muuqda kan qarsoon baa ka badan.

9) Ku dadaala sidii ugu dhaqsiyo badan eed rug caafimaad ula gaari lahaydeen.

Walaalayaal Intani waa qayb yar oon talo ahaan u soo jeedinayo, wayna jiraan qaabab kale oo badani, balse waxii aad awoodo ayaad qaban kartaa.

Ogaada qofka dharkiisa lagu qaaday Marxuumka AMA Dhaawaca waa dhab oo dhiig iyo dheecaanba wuu gaarayaa marada, waxaana suuro-gal ah inaysan isticmaal danbe yeelan balse ha la ogaado in ilaahay kugu abaal marin doono qiime ka badan qiimaha shayga aad ka soo bixisay, wax khayr lehna kuugu bedeli doono, marka walaalayaal yaanan laga hagran/lexo-jeclaysan walaal dhaawac ah AMA Marxuum ah maro yar oo illahay ku siiyey.

Fadlan qofka culayskiisa iyo marada lagu qaadayo waa in laga fekeraa oo maro khafiif ah aanan qof culus lagu qaadin, Qofka culus labo-sadex Cimaamadood buu u baahan yahay in lagu qaado; dumarkana sidoo kale waa in jirka loo daboolaa marka la qaadayo.

Illahay ha inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta aragtidan oo isugu gargaara.

Qasim A Saleebaan

Health And Social Care Student

Kasslmn@aol.com