Romario: Waan Ka Fiicnaa Diego Maradona, Sidaasi Darteed Anigaa Pele Ku Xiga.

(Berberanews Sports):- Weeraryahankii hore ee xulka Brazil Romario ayaa sheegay inuu ka fiicnaa Diego Maradona isagoo aaminsan in intii uu kasbaday intii uu ciyaarayay kubada cagta aanay u dhigmin intii uu qabtay Diego Armanda Maradona.

Romario oo soo xidhtay maaliyada kooxaha Vasco da Gama, PSV, Barcelona, Valencia iyo Flamengo intii uu ku jiray mustaqbalkiisii cajiibka ahaa ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay weeraryahanadii ugu fiicnaa ee caalamka soo mara abid.
ele, Romario iyo Maradona ayaa ugu fiican taariikhda kubada cagta” ayuu Romario u sheegay  TV Esporte Interativo
Muran la’aan Pele waa number-ka koowaad, aniga ayaa ku soo xiga. Waxaan sameeyay wax ka badan intii uu sameeyay Maradona. Waxaan ku guuleysatay koobab badan, waxaana dhaliyay goolal badan
Mustaqbalkii ciyaareed ee 45 jirkaan ayaa waxaa lagu soo qaban karaa koobkii adduunka ee 1994kii ee lagu qabtay Mareykanka oo uu dhaliyay shan gool isagoo Brazil ka caawiyay inay ku guuleystaan World Cup.
Mustafe Maxamud Diiriye
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports