Manchester City Oo Sheegtay Inay Si Rasmi Ah U La Soo Wareegtay Laacibka Sergio Aguero.

(Berberanews Sports):- Kooxda Manchester City ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la soo wareegtay ciyaaryahan Sergio Aguero oo qalinka ku suugay heshiis shan sanno ah.
23 jirkaan reer Argentina ayaa la rumeysan yahay inuu todobaadkii ka qaadan doono kooxda Sky Blue ilaa 200 kun ginni.
Labada kooxood ee City iyo Atletico midkoodna ma shaacin lacagta lagu iibsaday Sergio Aguero, taasoo la sheegayo inay ka badan tahay lacagtii rikoorka u aheyd City ee ay 2008dii ku iibsatay Robinho taasoo aheyd 32.5 milyan ginni.
Aguero ayaa noqonaya ciyaaryahankii 3aad ee tababare Roberto Mancini uu la soo wareego xagaagan, isagoo raacaya daafacii Arsenal Gael Clichy iyo ciyaaryahankii Partizan Belgrade Stefan Savic.
Manchester City ayaa sidoo kale xaqiijisay in Aguero uu u xidhan doono number 16, waxaana laga yabaa inuu kulankiisa ugu horeeyo ciyaaro Dublin Cup.


Mustafe Maxamud  “Kastam”
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports