Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO Oo Ka Digtay In 5 Milyan oo Itoobiyaan ah Uu halis ku hayo Daacuun ka gudbi kara Xuduudaha

Addis Ababa- (Berberanews/Reuters)- Dad lagu qiyaasay shan milyan ayaa halis ugu jira in cudurka Daacuunku uu haleelo deegaannada abaaruhu ka jiraan ee Itoobiya, sida ay Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO sheegtay.
“Ugu yaraan, 8.8 million oo qof ayaa halis ugu jira xanuunka kaneecada halka 5 million halis ugu jiraan xanuunka Daacuunka Itoobiya,” ayuu Afhayeen u hadlay WHO oo lagu magacaabo Tarik Jasarevic u sheegay Saxaafadda shalay.
Saraakiisha Caafimaadka u qaabbilsan dawladda Itoobiya ayaa u xaqiijiyey Reuters, in xanuunnada Biyo yaraanta laga qaadaa ka jiraan gobollada Soomaalida, Canfarta iyo Oromada ee dalka Itoobiya. “Kuma koobna keliya qaxoontiga.” Ayey raaciyeen.
Abaaraha haatan ka taagan Geeska Afrika, oo saamayn ku yeeshay in ka badan 11 milyan oo kala jooga Itoobiya, Jabuuti, Kenya, ayaa laga cabsi qabaa inay kordhiso faafitaanka xauunnada, gaar ahaan, dabeysha, Daacuunka, sida WHO caddeysay. “illaa xilligan, WHO ma soo gaadhin xaalado tilmaamaya dabeysha, waxaana muhiim ah in waddammadaasi ilaashadaan rikoodhkooda cidhibtirka xanuunnada dabeysha,” ayuu yidhi Jasarevic.
Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi Afhayeenka WHO; “Soomaalida ka soo cararaya abaaraha ba’an iyo dagaallada aan dhammaadka lahayn ayaa gaadhaya tiro dhan 1,700 qof maalintiiba Itoobiya, oo haatan ugu yaraan dad gaadhaya 4.5 milyan gargaar u baahan yihiin, taasoo ah korodh boqolkiiba konton illaa bishii April.”
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com