Tababare Sir Alex Ferguson Oo Aaminsan In Lix Kooxood Uu Ka Dhaxeeyo Horyaalka Ingariiska.

(Berberanews Sports):- Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa aaminsan in ilaa lix kooxood ay ku tartami doonaan horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedka soo socda.
Ferguson ayaan diyaar u aheyn inuu meesha ka saaro afarta kooxood ee ugu waa weyn Ingariiska, inkastoo Arsenal xilli ciyaareed xun uu soo maray sannadkii hore iyo iyadoo calaamad su’aal ay dulsaaran tahay mustaqbalka Cesc Fabregas iyo Samir Nasri, hadana waxa ay doonayaan inay soo gabgabeeyaan lix sanno oo koob la’aan ah.
Kooxda Liverpool oo iyadana ay horyaal ugu danbeysay 21 sanno ka hor ayaa dooneysa in markii ugu horeysay ay qaadaan Premier League.
Manchester City ayaa iyadana lacag xoogan suuqa ugu jirta, halka Ferguson uu aamisan yahay in Tottenham ay ka faa’ideysan doonto inaysan ku mashquulin Champions League.
“Waxaan u baranay inaan ka hadalno afarta kooxod ee ugu waa weyn, anaga,  Arsenal, Chelsea iyo Liverpool” ayuu yidhi Ferguson.
“Haatan sidaasi ma dhihi kartid”
“Manchester City ayaa dabcan soo gashay kooxaha waa weyn, waxaana ay heystaan awood wax iibsi oo ka fiican kooxaha intooda kale”
“Waxaa laga yabaa in Tottenham ay ku mashquushay koobka Champions League xilli ciyaareedkii hore oo ay weysay afarta kooxood ee ugu sareysa. Lakiin marka aad eegto kooxahan oo dhan waxaad dhihi kartaa mid ka mid ah ayaa qaadi doona”.
Mustafe Maxamud Diiriye “Kastam”.
shaafici_3@hotmail.com
Berberanews Sports