David Beckham Oo Sheegay In Real Madrid Wax Walba Ay Ku Guuleysan Karto Inta Uu Joogo Mourinho.

(Berberanews Sports):- Real Madrid waxa ay ku socotaa wadadii ay ku guuleysan laheyd wax walba inta ay heystaan khibrada Jose Mourinho, sidaasi waxaa aaminsan laacibkii hore ee Santiago Bernabeu David Beckham.
Kabtankii hore ee England ayaa muddo afar sanno ah ku soo qaatay caasimada Spain intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2007, waxaana uu aaminsan yahay in tababaraha reer Portugal uu duufaan ku soo gali doono xilli ciyaareedka danbe si uu u soo gabgabeeyo guulaha La Liga ee Barcelona.
Beckham ayaa u sheegay wargeyska Marca: “Madrid waxa ay dhiseysaa koox aad u xoogan badan, oo ciyaartoy muhim ah ay joogaan waxaana ay ku guuleysan karaan tartamada oo dhan. Wax shaki ah iigama jiro inay awoodaan inay ku guuleystaan wax walba”
“Waxa ay heystaan mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican caalamka – Mourinho waa caaqil, waxaana uu taas ku soo cadeeyay kooxihii uu soo tababaray”
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Los Angeles Galaxy ayaa sidoo kale amaanay Cristiano Ronaldo, waxaana uu intaa ku daray inuu rajeynayo inuu ka hor yimaado ciyaarta saaxiibtino ee todobaadka danbe Real ku ciyaareyso Mareykanka.
“Ronaldo waa mid ka mid ah ciyaartoyda aduunka ugu fiican, waxaana rajeynayaa inaan ka hor imaado”.
Mustafe Maxamud “Kastam”
shaafici_3@hotmail.com
Berberanews Sports