Liverpool Oo Shaacisay Numberada Ciyaartoydooda Cusub Jordan Henderson Iyo Charlie Adam.

(Berberanews Sports):- Kooxda Liverpoool ayaa xaqiijisay numberada ay qaadan doonaan ciyaartoydooda cusub ee Jordan Henderson iyo Charlie Adam.
Ciyaaryahankii hore ee Sunderland Henderson ayaa waxa uu xiran doonaa No.14, halka Jay Spearing uu ogolaaday inuu numberkiisii 26 uu ku wareejiyo Charlie Adam.
Spearing ayaa waxa uu xiran doonaa xilli ciyaareedka soo socda No.20, halka Maxi Rodriguez uu iska bedelay No. 17 waxaana uu ku bedeshay No.11.
Mustafe Maxamud  Diiriye “Kastam”
shaafici_3@hotmail.com
Berberanews