Ururka Samo-falka Dangarad Oo Addeegyo Baadhitaan Caafimaad iyo Qaybin Daawooyin Ka Fuliyay Degmada Mandheera

Mandheera ( Berberanews)- Ururka Samo-falka Dangarad oo ay ku bahoobeen dhallinyaro ka soo jeeda gobollada Saaxil iyo Hargeysa, ayaa todobaadkii hore addeegyo caafimaad ka fuliyay degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil.
Hawlgalka caafimaad oo ay ka qaybgaleen dhakhaatiir badankooda si weyn looga yaqaanno Somaliland oo ay ka mid yihiin Dr. Xuseen Ismaacil Cabdi, Dr. Axmed Maxmed Dirir Dr. Idiris Xaaji Nuur iyo Dr. Cumar Shucayb waxay baadhitaanno ku sammeeyeen 600 oo qof oo ku dhaqan Tuullooyinka hoos yimaada Degamada Mandheera, iyagoo dadka ay baadhitaanka ku sammeeyeen qaarkood u qaybiyay daawooyin lacag la’aan ah, ka dib markii shaybaadh loo sammeeyey.

Addeegyada caafimaad ee Ururka Dangarad sida mutadawacnimada ah ugu sammeeyey dadka deegaanka Mandheera waxa kale oo ka mid ahaa Kmbuyuutarka sawirka oo dad badani nasiib u yeesheen iyo shaybaadh casriya oo la geeyay deegaankaas.
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Md. Maxamuud Cali Hayste (Ramaax) iyo Maareeyaha Dekada Berbera Axmed Yuusuf Dirir, ayaa kormeer ku soo sammeeyay goobaha addeegyada caafimaad ka socdeen, iyagoo warbixin ka dhagaystay Khaatiirta fulinayey Adeegaa Caafimaad.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste (Ramaax), ayaa sheegay in addeegan caafimaad ee Dangarad uu wax badan ka tari doono baahiyaha caafmaad ee dadweynaha deegaanka Mandheera, isagoo ka codsaday inay barnaamijka u gudbiyaan deegaanno kale oo Gobolka Saaxil ka mid ah.

Maareeyaha Dekada Berbera Axmed Yuusuf Dirir, ayaa isaguna  ku amaanay Ururku Dangarad hirgalinka Barnaamijka caafimaad isagoo si weyn ugu mahad caliyey Dhakhaatiirtii ka hawlgashay.

Gudoomiyaha Ururka Dangarad Md. Axmed Ismaaciil Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ururka Dangarad uu yahay Urur samafal oo ku kooban koobanay Caafimaadka, haseyeeshee ay qorshaha ugu jirto hirgelinta baraajimyo la xidhiidha waxbarada Iyo wacyigalinka bulshada.

Madaxa Baraanijka Caafimaadka ee Ururka Dangarad Caydaruus Maxmed Dirir ayaa isaguna sheegay in ka hor fulinta Baranaaijkani ay Qiimayn ku sameeyeen Degmaayin dhawr ah oo Gobolka Saaxil ka tirsan isla markaana ay Degmada Mandheera u doorteen iyada oo aad ugu baahnaynd adeegan Caafimaad.

Gudoomiye ku xigeenka  Ururka Dangarab Md. Mustafe Axmed Cabdilaahi oo ugu damabaytii halkaasi ka hadaya ayaa u mahad naqay cid kasta oo ka gacan gaysatay hig galinta Barnaamijkaasi Caafimaad.
 

Berberanews.com
Berbera, Saaxil
Email, info@berberanews.com