Difaacii Kooxda Atletico Madrid Tomas Ujfalusi Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxda Galatasaray.

Kooxda Galatasaray ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay difaaca kooxda
Atletico Madrid Tomas Ujfalusi, isagoo qalinka ku duugay heshiis labo sanno ah.
Ujfalusi oo 33 jir ah, ayaa noqon karaa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee
seddex ciyaaryahan oo Atletico Madrid ah oo ku sii jeeda Turkiga, Galatasaray
ayaa sidoo kale wadaxaajood kula jirta Jose Antonio Reyes iyo Diego Forlan.
Gala ayaa heshiis kaga dhawaaqday websitekeeda maanta, waxaana sidoo kale
warkan xaqiijiyay wakiilka ciyaaryahanka.
“Heshiiska waxaa la dhameeyay shalay, qandaraaskana shalay ayuu saxiixay”
ayuu wakiilkiisa u sheegay CTK.
Ujfalusi ayaa seddex sanno ku qaatay Atletico Madrid ka dib markii uu ka
yimi   kooxda Fiorentina.
Atletico Madrid ayaa sidoo kale waxaa la filayaa inay ka tagaan Sergio
Aguero iyo goolhaye David De Gea.
Mustafe Maxamuud “Kastam”
Shaafici_3@hotmail.com