Man City Oo Wada Hadalo U Socdaan Ciyaar-yahanka Alexis Sanchez Ee Kooxda Udinese.

Kooxda Man City ayaa wada hadalo la furatay kooxda Udinese iyadoo ka doonayso xidiga 30 milyan lagu qiimeeyo ee   Alexis Sanchez.Alexis Sanchez oo u dhashay dalka Chile kana mid ahaa xidigihii koobka adduuunka 2010 ugu qeyb galay dalkaas ayaa waxaa uu noqday bartil maamedkii ugu dambeeyay eee Man city iyadoo loolan culus ay kala kulmi doonto kooxo ay kamid yihiin Barcelona,Chelsea iyo Man utd oo dhaman doonaya ciyaarayahankaas.  
 Saraakiil ka tirsan kooxda Chelsea ayaa la rumaysan yahay inay u duuleen dalka Talyaaniga si ay wada hadalo ula qaataan dhigooda Udinese si ay u helaan   Alexis Sanchez.Alexis Sanchez ayaa noqday xidiga loogu doon doonis badan yahay xilligaan. wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Udinese ay diiday wada hadal bilaaw oo ku kacayay 22.1 Milyan laakin waxay sheegtay inaysan ku iibin doonin wax ka yar 30 Milyan.
Sidoo kale Man City ayaa la sheegay inay kordhisay qiimaha ay ku doonaysay iyadoo gaarsiisay 27 Milyan oo ah lacag ka yar 3 milyan kuwa ay doonayso kooxdiisa Udinese. Kooxaha Barcelona,Inter Milan iyo Juventus ayaa u hanqal taagaya   Alexis Sanchez iyadoo xidiga koofurta ameerika u dhashay ee Alexis Sanchez uu jecel yahay inuu joogo Talyaaniga ama uu u dhaqaaqo Spain. Manchester City ayaa u diraysa kooxda wada xaajoodka oo ay horkacayaan Agaasimaha Brian Marwood iyo Garry Cook.
Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”
shaafici_3@hotmail.com