Liverpool Oo Qalinka Ku Duugtay Heshiiskii Ay Kula Soo Wareegeysay Ciyaaryahan Jordan Henderson.

                                                  Kooxda Liverpool ayaa dhameystirtay heshiiskii ay kula soo waregeysay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Sunderland Jordan Henderson.
Lacagtii lagu iibsaday iyo faahfaahinta heshiiska midna Liverpool ma aysan soo bandhigin, lakiin website-kooda waxa ay ku sheegeen inuu ciyaaryahanka dhaafay tijaabada caafimaadka islamarkaana uu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda.
Henderson, oo hal jeer u saftay xulka England kulankii guuldarada ay ka soo gaartay France ee saaxiibtinimo bishii November, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee magac leh ee tababare Kenny Dalglish uu soo iibsado xagaagan.
Wargeysyada ayaa sheegaya in Liverpool ayaa ciyaaryahanka ka bixisay 20 milyan oo ginni, halka qaar kalena ay sheegayaan inuu heshiiska qeyb ka yahay David Ngog balse weli kalama cada arintaas.
Henderson ayaa haatan ku biiray xulka England ee 21 jirada ee tartanka Euro uga qeybgalaya dalka Denmark.
Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”
shaafici_3@hotmail.com