Arsenal Oo Laga Yaabo In ay Xagaagan Ka Hayaamaan Ciyaar-yahanada Samir Nasri Iyo Gael Clichy.

Kooxda Arsenal ayaa waxa ay ka cabsi qabtaa inay weyso labada ciyaaryahan Samir Nasri iyo Gael Clichy xagaagan, sida ay ogaatay BBC Sport. Kubadsameeye Nasri oo 23 jir ah ayaa hal sanno waxaa uga haray qandaraaskiisa si la mid ah Gael Clichy oo lala xiriirinayo Liverpool. Waxaa jira walaac rasmi ah oo ku saabsan xaalada Nasri, halka Arsenal ay isku diyaarisay inay iska fasaxdo Clichy, sida ay sheegeyso BBC Sport.
 Kooxda Gunners ayaase sheegtay in albaabka uu u furan yahay labada ciyaaryahan ee reer France inay ka wadahadlaan heshiis cusub oo u saxiixaan kooxda. Ka dib lix xilli ciyaareed oo koob la’aan ah, tababaraha Arsenal Arsene Wenger waxaa la filayaa inuu kooxdiisa xoojin doono xagaagan. Lakiin rajadiisa ku saabsan inuu kooxda dib u dhis ku sameeyo waxaa dhabar jab ku noqon karta hadii uu waayo Nasri iyo Clichy.
 Nasri ayaa u saxiixay Arsenal 2008dii isagoo ka yimid Marseille, waxaana dhawaan uu sheegay inuusan hubin inuu sii joogi doono Emirates iyo in kale, waxaana uu sidoo kale diiday inuu meesha ka saaro inuu u wareegayo Manchester United. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France ayaa si fiican u muuqday qeybtii hore ee xilli ciyaareedkii dhamaaday, waxaana uu dhaliyay xilli ciyaareedkii hore 15 gool. Clichy ayaa Arsenal la joogay tan iyo 2003dii, inkastoo uu ka mid yahay ciyaartoyda muddada dheer kooxda joogay hadana waxaa booskiisa ka sii riixanaya Kieran Gibbs oo bedel u noqon kara.
 In Arsenal ay weyso labada ciyaaryahan waxa ay keeni kartaa carro ka imaata taageerayaashooda, iyadoo sidoo kale kabtanka Arsenal Cesc Fabregas isna laga yaabo inuu xagaagan kooxda ka tago. Wenger waxa uu haatan la soo wareegay daafaca da’da yar ee kooxda Charlton Carl Jenkinson waxaana uu u dhow yahay inuu la soo wareego xiddiga kale ee da’da yar ee kooxda Southampton Alex Oxlade-Chamberlain oo garab ka ciyaara.
Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”
shaafici_3@hotmail.com