Tababare Harry Redknapp Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Warar Sheegaya In Ciyaaryahanka Luka Modric Ka Tagi Doono Kooxdiisa Tottenham Iibsana Doonan Kooxda Manchester United.

 Tababaraha kooxda Tottenham Harry Redknapp ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in ciyaaryahan Luka Modric uu ka tagi doono Spurs islamarkaana uu ku biirayo kooxda Manchester United xagaagan.
Tababaraha kooxda Spurs ayaa sheegay inuu raadinayo inuu ciyaaryahano cusub keeno White Hart Lane, islamarkaana ciyaartoyda sida Luka Modric iyo ciyaaryahanka sannadka ee PFA Gareth Bale aysan kooxda ka tagi doonin xagaagan.
“Waxaan maqlay shalay hadalo ku saabsan Luka Modric, waxaana ay dhahayeen 20 milyan oo ginni, labaatan milyan oo giini oo Luka Modric ah? Waxaan u maleynayaa inay riyoonayaan” ayuu Redknapp u sheegay Sky Sports News.
“Waa ciyaaryahan fantastik ah, waxaan dalbanay ciyaartoy, waxaana naloo sheegay lacag ka badan tan Modric lagu sheegay, ciyaartoydaasna kabahiisa xitaa ma xiran karaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Ma doonayo inaan iibiyo Modric. Waa ciyaaryahan weyn, shaqadiisa ayuu qabsadaa isagoo aan cabasho laheyn, waxa uu jecelyahay kubadiisa cagta, waa ciyaaryahan aan la bedeli karin”
Redknapp ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu xoojiyo kooxdiisa si ay xilli ciyaareedka soo socda ugu tartamaan inay u soo baxaan Champions League.
“Waxaan dareensanahay inaan u baahanahay ilaa seddex ciyaaryahan oo heer sarre ah, hadii aan rabno inaan ka u tartano afarta koox ee ugu sareysa”
“Wali kama aanan ag dhawaanin suuqa kala iibsiga, waxaan wacnay taleefano badan, wax badan ayayna wargeysyada ka hadlayaan, lakiin wali wax aan u dhownahay ma jirto, dabcana uma socono inaan iibino ciyaartoydeena qatarta ah”
“Ma iibineyno Luka Modric, ma iibineyno Gareth Bale, ma iibineyno Sandro, waa ciyaaryahano aan dooneyno inaan ku dhisno koox weyn” ayuu hadalkiisa ku koobay.
Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”
shaafici_3@hotmail.com