Ryan Giggs Oo Fadeexad Soo Foodsaartay

Xidiga kubada cagta ee kooxda Manchester United Ryan Giggs ayaa waxaa mar kale soo fuulay hadal haynta ugu badan ee saxaafada ingirsiika ka dib markii ay ku soo baxdey fadeexad kale oo halis ku keeni karta sumcadiisa xaga ciyaaraha kubada cagta ee uu hantida ku yeeshay & waliba qoyskiisa.
Mid ka mid ah wargeyska sida weyn looga akhrtisto wadanka UK isla markaana faaqiqda amuuraha dadka caanka ah sida Fanaaniinta, Jilayaasha & Ciyaartoyda ayaa maanta soo bandhigey sheeko yaab iyo naxdin xambaarsan oo ah in ciyaaryahan Ryan uu xiriir mudo 8 sano ah jirey uu lahaa xaaska walaalkiis, tani oo noqonaysa dharbaaxadii labaad ee ku habsata sumcadiisa iyadoo kal hore ay ruxday fadeexadiisu wadanka Ingiriiska taasi oo xitaa keentey in lagu soo qaado fadhi uu lahaa Baarlamanka wadanka UK, ka dib markii muran uu ka dhashay soo bandhiga fadeexado gaarey heer maxkamadeed oo ku aadanaa in Ryan Gigs uu xiriir qarsoodi ah la lahaa haweenay lagu magacabaao Imogen Thomas oo ah mid ka mid ah Jilayaasha Filimka musalka ah ee caanka ah dalka Ingiriiska ee Big Brother.
Mid ka mid ah dadka saaxiibka la ah Natasha ayaa u sheegtey wargeyska in Natasha had iyo jeer ay ka hadli jirtey xiriirka iyada Gigs waxaana hadalada laga hayaa ka mid ahaa “Waan ogaa inaan qalad galey, waana qiyaamada ugu weyn, waxaan isku dayey si kasta oo aan ku dhameyn karo ama ku soo afjari karo xiriirka aan la leeyahay Ryan, laakiin waa qabatimay, wax kasta oo uu iu dhaho waan sameeyaa, maba dhihi karo maya”.
“Ryan waxa kaliya ee uu iga doonayey waa ciyaaraha sariirta, mana jirin wax jaceyl kale oo uu ii hayey” ayey ku catowday Natasha, oo xiligii ay is baranayeen Gigs jirtey 20 sano, isla markaana isbarashadoodii ay ka dhacdey Kalaabka Super Lounge ee ku yaal magaalada Manchester oo ay ka dhisan tahay kooxda uu ka tirsan yahay ee Man United.

natasha waa Dumaashida Giggs ee fadeexadu haleeshay Fadeexada la soo daristey Ryan Gigs oo ah aabe 2 caruur leh waxaa laga cabsi qabaa inay inay ku keento sumcad dilkii ugu weynaa, iyadoo la xaqiijiyey in durbaba walaalkiis Rhodri uu ka tagey xaaskiisa Natasha.
Gigs oo 130 kun oo doolar todobaadkii ka qaate kooxda Manchester oo mudo 10 sano ka badan uu ka tirsanaa waxaa uu weyn doonaa lacago malaayiin doolar ah oo uu ku helo sumcadiisa xaga ciyaaraha kubada cagta ah, waxaa ka mid ah in dib loo eegi doono heshiis 28 milyan oo doolar ku fadhiya oo uu kula jiro shirkada caanka ahe e Reebook, sidoo kale hishiiska uu kula jiro shirkada Cyma ee saacadaha farsameysa ayaa la filayaa in uu meesha ka baxo.
Sidoo kale xidiga qaranka England & kooxda Man United Wayne Rooney ayaa ka soo kabanaya fadeexad dhaxashay in xaaskiisa Coolen ay isaga cararto gurigooda ka dib markii ay soo shaacbaxdey in isayadoo umul ah uu hotel kula sariir ciyaarey haweenay jirkeed ka ganacsato ah oo uu hal habeen siiyey $ 1700 USD.
Laacibka kooxda Tottenhan & qaranka England Peter Crouch ayaa si la mid ah fadeexadahaasi waxaa isagana lagu soo eedeeyey in uu haweenay jirkeed ka ganacsato ah uu hal habeen kula galgalashay $ 1200 USD.
Mustafe Maxmuud Diiriye “kastam”
shaafici_3@hotmail.com