Lassana Diarra “Hadii Aan Ka Hayaamo Real Madrid Waxaan Xamaamta U Qaadanayaa Dhinaca Horyaalka Ingiriiska.

Ciyaaryahan Diarra ayaa qirtay in hadii uu ka tagayo Real Madrid kadib uu u dhaqaaqi doono Horyaalka Ingiriiska.Laacibka Heerka Caalami ee xulka France ayaa u xaqiijiyay SKYSPORTS.com hadiiba uu ka baxaayo Spanishka uu door bidi lahaa in uu dib ugu laabto dalka Ingriiska.
Diarra oo horay ugu soo ciyaaray Naadiyada Arsenal, Chelsea iyo Portsmouth, ka hor inta uusan u dhaqaaqin Madrid 2009-kii, xiligaas oo naadiga Real baahi badan aay ka heeysatay dhanka qadka dhexe.
Warar hoose oo laga helayo madaxda naadiga Real ayaa sheegay in Diarra laga yaabo in uu isaga huleelo naadiga, kadib markii Macalin Mourinho uu arkay ciyaaryahankan  in uusan ku jirin qorshihiisa ku aadan xili ciyaareedka soo socda.
Naadiyada Man United, Tottenham iyo Liverpool ayaa dhamaantood lala xiriirinayay macquul ahaanshaha in xidigaan 26 jirka ah uu ku biiri doono naadiyadaas midkood.
” Hadii aan ka tago Madrid waxaa iga go’an in aan abaaro Premier League ‘”, ayuu Diarra u sheegay skysports.com.
” Waan jeclahay waqtiga aan ku qaadanayo halkaa , qaasatan sanadkeeyga ugu danbeeyay ee [Portsmouth] ka hor Madrid , sida in aan kula guuleestay FA Cup.
Ugu danbeeyntiina waxa uu laacibka hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in haatan uu waqti wanaagsan la qaadanayo Real Madrid oo ah buu yiri naadiga caalamka ugu wanaagsan.
Mustafe Maxamuud Diiriye”kastam”
shaafici_3@hotmail.com