Kooxdaha Liverpool Iyo Sunderland Oo qalika Ku Duugay Kala Iibsiga Ciyaarahan Jordan Henderson.

Kooxda Liverpool ayaa ugu danbeyn 20 milyan oo ginni kula soo wareegeysa maanta ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Sunderland Jordan Henderson. Wakaalada wararka ee Press Association ayaa sheegeysa inuu heshiiska dhacay habeenkii xalay ahaa, taasoo ay ku jirto in David Ngog uu u wareego dhinaca kooxda Sunderland, waxaana la filayaa in heshiiska si rasmi ah loogu dhawaaqo maanta oo arbaco ah marka labada ciyaaryahan ay tijaabada caafimaadka maraan.
 Warkaan ayaa imaanaya maalmo badan oo ay socotay warka ku saabsan in Liverpool ay dooneyso ciyaaryahankaan 19 jirka ah ee reer England, waxaana sida la sheegayay ay dooneysaa Liverpool inay heshiiskiisa soo gabgabeyso ka hor inta uusan bilaaban koobka Euro ee 21 jirada. Liverpool, oo bishii Janaayo la soo saxiixatay ciyaaryahanada Andy Carroll iyo Luis Suarez ayaa haatan waxa ay bilowday inay wali dib u habeyn isku sameyso iyadoo weli ka maqan Champions League.
 Kooxda Black Cats ayaa maalmahan oo dhan ku adkeysanaysay in ciyaaryahankooda uusan iib aheyn, lakiin xaqiiqda waxa ay tahay in ciyaaryahan kasta uu qiimo uun leeyahay oo lagu qaato, taasoo haatan PA ay sheegeyso inuu yahay 20 milyan oo ginni. Waxaan ka warsugi doonaan Liverpool iyo Sunderland inay heshiiskan si rasmi ah ugu dhawaqaan.
Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”
shaafici_3@hotmail.com