Xulka Spain Oo Cagta Mariyey Xulka Maraykanka, Halka Brazil iyo Nederland ay 0-0 Hoydeen.

Labo gool uu dhaliyay ciyaaryahan Santi Cozorla iyo goolal ay kala dhaliyeen Alvaro Negredo iyo Fernando Torres ayaa keentay in xulka heysta koobka addunka ay 4-0 ku garacaan xulka Mareykanka ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday dalkaas.
Spain ayaa 3-0 ku hogaamineysay qeybtii hor eee ciyaarta, ciyaartaasoo ay u soo daawasho tageen 64,121 ruux, lakiin goolasha intaas waa ay ka badnaan lahaayeen hadii aan laga diidin goolkii David Villa oo Offside laga dhigay balse uusan aheyn, iyo Nergredo oo birta  ay ka diiday gool.
Cazorla ayaa daqiiqadii 28aad ee ciyaarta hogaanka u dhiibay Spain, ka dib markii David Silva la siiyay boos banaan islamrkaana uu xushay inuu u dhigo ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Villarreal.
Tababaraha USA Bob Bradley ayaa keyd galiyay qaar ka mid ah ciyaaartoydiisa waa weyn, lakiin waxa uu ahaa go’aan uu ka shalaayay markii Negredo loo ogolaaday inuu qadka dhexe iska soo dhexmaro islamarkaana uu ciyaarta ka dhigo 2-0 daqiiqadii 32aad.
Cazorla ayaa goolka 3aad ku daray, ka dib shaqo fiican oo ay qabteen Negredo iyo Silva.
Bradley ayaa soo galiyay markaas Clint Dempsey, tababaraha wililkiisa Michael, iyo daafaca qibrada leh Steve Cherundolo, taasoo ka dhigtay qeybtii danbe ee ciyaarta mid yara adag.
Lakiin Spain kama aysan celin inay baasaskoodii sii wataan, waxaana goolka afaraad ku daray ciyaaryahan Fernando Torres daqiiqadii 73aad ee ciyaarta, isagoo dabamariyay goolhaye Tim Howard.
Guuldardan ayaa waxa ay dhabarjab ku tahay USA, kuwasoo bilaabaya ka qeybgalka koobka CONCACAF Gold Cup oo ay la ciyaarayaan Canada talaadada, isla maalintaas Spain waxa ay ciyaar saaxiibtinimo la ciyaareysa Venezuela.

Dhinaca kala xulka Brazil ayaa barbaro goolal la’aan ah waxa ay la gashay xulka Holland ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday dalkaasi Brazil, iyadoo labada goolhaye ay u sabab ahaayeen in aanan goolal la iska dhalin.
Waxa ay aheyd kulankii ugu horeeyay ee labada kooxood tan iyo markii Holland 2-1 ay ka badisay Brazil wareegii 8da ee koobkii aduunka, waxaana ciyaartan ay ku dhamaatay jawi xun iyadoo Ramires casaan uu qaatay daqiiqadii 79aad ee ciyaarta markii jaale labaad ku qaatay qalad uu ku sameeyay Arjen Robben.
Brazil ayaa waxa ay ciyaareysay 3 weerar oo kala ah Neymar, Robinho iyo Fred, waxaana Brazil ay inta badan ciyaarta xukumeysay qeybtii danbe ee ciyaarta, lakiin goolhayaha Holland oo markiisii ugu horeysaye xulkiisa u ciyaaraya Tim Krul ayaa ka badbaadiyay fursado fiican.
Xulka Holland oo uu ka maqnaan Wesley Sneijder oo dhaawac ah, ayaa fursado fiican iska qasaariyay qeybtii hore ee ciyaarta, labo fursadood oo uu helay Ibrahim Affelay ayaa ku kaliftay inuu badbaadiyo goolhaye Julio Cesar.
Tan iyo intii uu tababare Menezes ka bedelay Brazil tababare Dunga ka dib koobkii adduunka, Brazil waxa ay garaacday USA, Iran, Ukraine, iyo Scotland, lakiin waxaa ka badiyay labo xul oo waa weyn Argentina iyo France.
Kulankii shalay waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee Tababare Menezes ee dalkka Brazil uu ku ciyaar, taasoo soo jiidan weysay taageerayaasha Brazil, kuwasoo ku ooriyay xulkooda markii la gaaray xiligii nasashada ee ciyaarta.
Brazil ayaa waxa ay isku diyaarineysaa koobka Copa America ee Argentina lagu qabanayo bisha July. Maalinta talaadada ah waxa ay sidoo kale marti gelin doonaan xulka Romania oo ay kula ciyaari doonaan Sao Paulo ciyaartaasoo sidoo kale lagu macsalmeyn doono ciyaaryahan Ronaldo oo ciyaaraha ka fariistay.