Weeraryahanka kooxda Arsenal Nicklas Bendtner ayaa sheegay inuu 100% diyaar u yahay inuu ka tago kooxda Gunners xagaagan.

Weeraryahanka kooxda Arsenal Nicklas Bendtner ayaa sheegay inuu 100% diyaar u yahay inuu ka tago kooxda Gunners xagaagan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaan ku jirin qorshihii kooxda 1aad ee tababare Arsene Wenger ee xilli ciyaareedkii soo dhamaaday, waxaana inta badan uu fadhiyay kursiga keydka.
Bendtner ayaa dhaliyay labo gool oo horyaalka Ingariiska ah xilli ciyaareedka oo dhan, waxaana inta badan uu dhaleeceen kala kulmayay taageerayaashiisa qaaska ah. Kooxda horyaalka Spain ee Sevilla ayaa ah kooxdii ugu danbeysay ee lala xiriiriyo ciyaaryahanka, halka AC Milan iyo Bayern Munich iyagana la sheegay inay ka fiirsanayaan inay soo dalbadaan.
“Waxaan balan qaadi karaa in xilli ciyaareed kan la mid ah uusan jiri doonin” ayuu Bendtner u sheegay sporten.dk sida aan ka soo xiganay Sky Sports. “Waxaan go’aansaday 100% inaan kooxda Arsenal ka tago” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Waxaan ka fiirsanayay go’aankan muddo dheer, waana ii cadeyd markii aan go’aankan la imid” “Kalsooni ayaan ku qabaa inaan ku fiicnaan doono koox cusub” ayuu hadalkiisa ku koobay Bendtner.
Mustafe Maxamuud “kastam”
shaafici_3@hotmail.com