Sheekh Maansuur oo Carlos Tevez U Sheegay In Uu Kooxda Ka Tagi Karo Hadii Uu Doono.

Kabtanka kooxda Manchester City Carlos Tevez ayaa sheegay in milkiilaha kooxda Sheekh Mansuur uu u sheegay inuu ka tagi karo kooxda hadii uu doonayo. 27 jirkaan ayaa warqad codsi ah oo u ku baxayo u gudbiyay Manchester City bartimihii xilli ciyaareedkii hore, isagoo doonayay inuu ka tago England isla markaana uu u dhawaado qoyskiisa, lakiin go’aankaasi waa uu ka laabtay.
 Tevez oo qandaraas kale oo cusub loo soo bandhigay bishii hore ayaa u sheegay News of the World: “Sheekh Mansuur wax badan ayuu sameeyay si uu kooxda iigu hayo, hadii aan joogayo City, isaga ayaan u joogayaa” ayuu yiri Tevez. “Isaga ayaa ila soo wareegay, waxa uu doonayaa inuu i ceshto, isla markaana waxa uu ii sheegay inaan sameeyo wax walba oo aan u baahanahay inaan sameeyo si aan u faraxsanaado”.
 “Waxa uu ii sheegay inaan kooxda ka tagi karo hadii aan doono, ma jirto wax meel ku qoran wax walba aniga ayay igu xiran yihiin. Waxa ay ii soo bandhigeen qandaraas cusub bishii December, lakiin ma aanan dooneynin inaan qandaraaska u kordhiyo” “Dhamaadkii xilli ciyaareedkan waxa ay ii soo bandhigeen heshiis kale oo cusub, lakiin waqti xaadirkan ma aqaan inaan aqbali doono iyo inkale” ayuu yiri Tevez
Mustafe Maxamuud Diiriye “Kastam”
shaafici_3@hotmail.com