Samir Nasri: “Ma Garan karo Illaa Hada In Aan Heshiis Cusub U Sexeexi Doono Arsenal Iyo In Kale”

 (Berberanews):- Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Samir Nasri ayaa shaki xoogan sii galiyay mustaqbalkiisa garoonka Emirates, ka dib markii uu sheegay inuusan kala hubin inuu heshiis cusub saxiixayo iyo in kale, isagoo intaa ku daray inuu doonayo inuu wax badan ka ogaado xiisaha kooxda Manchester United ay isaga xiiseyneyso.
Nasri, ayaa sida Gael Clichy, la siiyay in ilaa bisha July uu saxiixo qandaraas cusub ama hadii kale la iibin doono, iyadoo labada ciyaaryahan uu qandraaskooda ku eg yahay xilli ciyaareedka soo socda.
Wenger ayaan dooneynin  inuu si bilaasha ah ku fasaxo ciyaaryahanka xilli ciyaareedka danbe sidaasi darteed waxa uu isku dayi doonaa  in heshiis cuusb laga saxiixo hadii uu diidana la iibiyo si ay haatan lacag ugu helaan.
Warkaan ugu danbeeya ee Nasri ayaanan aheyn mid rajo fiican gelinaya taageerayaasha Arsenal madaama uu ka warwareegay inuu xaqiijiyo inuu kooxda sii joogayo isagoo walaac ku sii abuuray wararkiisa ku saabsan mustaqbalkiisa.
Si kastaba. ciyaaryahanka reer France ayaa diiday inuu wax badan ka hadlo haatan mustaqbalkiisa isagoo sheegay in wadahadalo go’aan lagu gaarayo ay sii socon doonaa ka dib ciyaaraha Faransiiska uu la ciyaarayo Ukriane (Isniinta) iyo Poland (Khamiista).
“Ma aqaano hadii aan saxiixayo heshiis cusub iyo hadii kale” ayuu u sheegay TF1 Sida aan ka soo xiganay goal.com.
“Si kastaba wadahadalada waa ay socdaan. Haatadan la joogo kama fekerayo arintaas. Waxaan ka hadli doonaa ka dib ciyaarta Poland” ayuu yiri.
Kooxda Manchester United ayaa la rumeysan yahay inay xiiseyneyso ciyaaryahankan, iyadoo Evra uu ugu baaqay Nasri inuu ku soo biiro Man United.
Maalmo ka dib markii Wenger uu u sheegay idaacad Faransiis ah inuusan ka iibineynin Nasri kooxda United ayaa Nasri isaga laftiisa waxa uu u sheegay Tv-ga Faransa war ka duwan kan Wenger.
“Marka ugu horeysa waa inaan aragnaa hadii xiisaha uu yahay dhab, iyo hadii kale” ayuu ka yiri arinta Manchester United.
Mustafe Maxamuud “kastam”
shaafici_3@hotmail.com