MANSHESTER CITY Oo ku Guulaysatay Koobkii FA Cupka Ee Ugu Horeeyey Muddo 35 Sanno kadib.

Kooxda Machester City ayaa ku guulaysatay foobkeedii ugu horeeyay mudo 35 sanno ah ka dib markii ay Finalka FA CUP ay 1-0 ku ku garaaceen kooxda Stoke City ciyaar xiiso badan oo ka dhacday garoonka Wembley.
Yahya Toure gool kaliya ee lagu kala badiyey dhaliyay daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta, waana koobkii ugu horeeyey ee Manchester City ku guulaysato tan iyo 1969kii.
Hanashada FA Cupka ayaa waxaa timid xilli kooxda Macini ay sidoo kale u dabaaldagayeen inay xaqiijisteen booskooda Chaptions league ee xilli ciyaareddka danbe, waxaana dabaaldegooda uu ku soo aaday xilli dhanka kale ee machester united ay iyagana horayaalka u dabaaldegayaan.
Manchester city ayaa u thay markii 5aad oo ay ku guuleystaan koobka FA Cupka, waxaana farxada taageerayaashooda u sii dheer in boorka weyn ee saran garoonka Old Trafford eek u saabsanaa koob la’aantii heysatay muddo 35-sanno ah ugu danbeyn la dejin doono.
M.M. “KASTAM”