Dagaal Ka Dhex Qarxay Real Madrid, C.ronaldo Iyo Shabaqa Maxaa Kala Heysta!!

 C.Ronaldo ayaa dhaliyey 3 ka mid ah goolasha Real Madrid markii ay 4-0 ku duugeen kooxda Getafe isla markaana ay ugu yaraan 24 saac dib u dhigeen dabaal dega Barcelona ee horyaalka sanadkan.
Ronaldo oo ku guul dareystay tartanka cayaaryahanka ugu wanaagsan aduunka markii uu dhowr fursadood u helay inuu weji ka weji ula kulmo xidiga aan loo dhowaan karin MESSI ayaa dhanka boqorka goolasha Spain iyo Yurub waxey u egtahay inuu kaga adkaaday laacibka aduunka Leonel Messi.
Afar maalin guduhood ayuu Ronaldo dhaliyey 7 gool isagoo tartanka gooldhalinta horyaalka ku hogaaminaya 36 gool halka Messi lagaga soo tagay 31 gool, Ronaldo hadii uu dhaliyo laba gool ama ka badan labada kulan ee u hartay wuxuu jebin doonaa iskoorkii la yaabka lahaa ee cayaaryahan Telmo Zara 1950-51 iyo Hugo Sanchez 1989-90 oo labadaba min 38 gool dhaliyey hal horyaal.

Laakiin C.Ronaldo wuxuu hada iskoor cusub u dhigay taariikhda Real Madrid isagoo noqday cayaaryahanka keliya ee hal xili cayaareed dhaliyey 49 gool isku darka tartamada oo dhan (koobka Spain 7 gool, Champions League 6 gool) isagoo ka jabiyey halyeygii Real Madrid Ferenc Puskas oo 1959-60 dhaliyey 48 gool tartamada oo dhan.
Mourinho iyo Valdano.
Tababare Mourinho ayaa kulankan ka dib diiday inuu saxaafada la hadlo taasoo kaliftay in agaasimaha kooxda Jorge Valdano raali gelin ka bixiyo isla markaana kula taliyo Mourinho inuu is dejiyo.
– Maalmahanba waxaa jiray guux badan oo ku hareersanaa Mourinho laakiin hada waxaa la gaaray waqtigii uu is dijin lahaa waana muhiim inuu dhinac iska dhigo oo uu kasii socdo ayuu yiri Valdano sida ay soo wariyeen  Marca iyo AS.
Hadalkan ayaa sida muuqata waxaa aad uga carooday Mourinho oo hore ugu mamnuucay Valdano inuu yimaado garoonka tababarka iyo inuu raaco kulamada ay banaanka kusoo cayaarayaan.
Afhayeenka Mourinho Eladio Parames ayaa saxaafada kala hadlay Valdano una sheegay inuu faraha kula jiro wax uusan shaqo ku laheyn.
– Valdano waa afhayeenka Real Madrid ee ma aha afhayeenka Mourinho mana lagala tashanaayo waqtiga uu hadlaayo Mourinho iyo waxa uu sheegaayaba, Mourinho waqtigii uu doono buu hadlayaa waxa uu doono buuna sheegayaa ayuu yiri Parames.
Weli wax war ah kama soo bixin labada nin ee ugu muhiimsan kooxda waa tababare Mourinho iyo gudoomiye Perez oo ah shakhsiga ugu dambeyn laga sugaayo xalka qilaafka iyo guuxa hareeyey kooxda.
KASTAM