Barcelona Oo Sanadkii 3aad Oo Xiriir Ah Loo Caleemo Saaray Horyaalnimada Dalka Spain

 Kooxda Barcelona ayaa sanadkii 3aad oo isku xiga ku guuleysatay horyaalka dalka Spain ka din markii dhibicdii ay u baahnaayeen ka heleen kulankii ay caawa la yeesheen kooxda Levante oo bareejo 1-1 kusoo dhamaaday.
Xidigaha Barcelona oo kulankan hal dhibic keliya u baahnaa ayaa cayaarta ku furay taxadar markii uu Keita hogaanka u dhiibay isagoo teesto ku dhaliyey karoos uu Xavi soo dhigay gudaha xerada ganaaxa daqiiqadii 28aad ayey taageerayaashii Barcelona bilaabeen damaashaadka hanashada horyaalka.
Cayaaryahan Felipe Caiceido ayaa rajo geliyey Levante markii uu ka faa`iideystay qalad uu sameeyey Gerard Pique shabaqana ku luxay 4 daqiiqo ka hor dhamaadkii qeybtii hore.

Kooxda Levante ayaa dadaal weyn u gashay sidii ay lugta ugu dhegi laheyd kooxda ugu wanaagsan Spain, Yurub iyo Aduunkaba ugu yaraana ay ka hor istaagaan iney gurigooda kula dabaal degaan hanashada horyaalka.
Laakiin waxba kama qabin karin ugu dambeyntii in Barcelona hanato horyaalka sanadkii 3aad oo isku xiga markii 90kii daqiiqo lagu kala baxay min hal gool.
Leonel Messi oo kulankaan ahaa xidigii garoonka ayaan wax gool ah dhalin hase yeeshee waxa uu halbowlo u ahaa kooxda Barcelona oo sanadkii 3aad ku guuleysatay horyaalka isagoo 31 goolna dhaliyey inkastoo aysan ugu filnaaneyn inuu ku guuleysto tartanka gool dhalinta oo uu Ronaldo 36 gool ku hogaaminaayo inkastoo weli 2 kulan weli harsan tahay hadana uma eka inuu gaari doono.
Real Madrid oo kulankeeda xalay 4-0 ku goosatay Getafe rajo aan badneyna kasii lahaa horyaalka ayaa hada la quusiyey maadaama laga koreeyo 6 dhibcood, hadii Barcelona laga badiyo labada kulan ee u hartay Real Madridna badiso isku dhibco ayey noqonayaan laakiin sida uu qabo sharciga La ligaha Spain waxaa lagu kala baxaa kooxdii badisay kulamdii dhex maray, Barcelona waxey labada kulan shaqeysteen 4 dhibcood halka Real Madrid heshay hal dhibic keliya.
Barcelona sidoo kale waxey fursad u heysataa iney ku darsato Champions League oo ay 28ka bishaan garoonka Wimbley ee magaalada London kooxda dhowaan loo caleemo saaray horyaalnimada dalka Ingiriiska ee Manchester United.
KASTAM.