Tartanka Kooxaha Heerka Labaad Oo Meel Aad U Xiiso Badan Maraya Iyo Masuuliyiinta Xidhiidhka Kubada Cagta Oo Si Heersare Ah Ula Socda Habsami U Socdka Ciyaaraha

Tartanka ciyaaraha kubada cagta ee u dhexeeya kooxaha heerka labaad oo in muddo ah ka socday Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu maraya meel aad u xiiso badan. Tartankan oo ah tartankii ugu balaadhana ee ka dhaca Jamhuuriyada Somaliland oo ay qabteen xidhiidhka kubada cagta isla markaana ay maalgalisay Dahabshiil, ayaa waxa maallinba maalinta ka danbeysa tartanku noqonaya mid aad u xiiso badan, taas oo kooxo badani ku tartamaya lagana doonayo inay ka soo hadhaan 24-kooxood. Haddaba ciyaarihii shalay la ciyaaray oo ahaa ciyaaro aad u xiiso badan, lana adkeeyey nabadgeliyad ciyaaryanada isla markaana ay kormeer ku sameeynayeen masuuliyiinta xidhiidhka kubada cagta todobada garoon ee uu ka socdo tartankani ayaa waxa ay kooxihii kala ciyaaray, garoomada lagu kala ciyaaray iyo sida loo kala badiyey ay kala yihiin sidan  
 
         Kooxaha                                                  Score           Garoonka
 1-    Sacaada Diin  Vs    Morny Milk              1 : 0              Tareeriska
 2-    Albacas         Vs     Barkada                 2 : 2              Xalane
 3-    Araxma         Vs     H A A                    3  : 3              M A Ali
 4-    17 May          Vs     Jamacada Geska    1  : 2              Guryo Samo
 5-   Lucy Univ        Vs     Badroolka              3  : 1             Xawaadle
 6-   Fire Land        Vs     Omar Xashi           1 :  0             Dhalin
 7-   Riyaad           Vs     Al fatxi                   2 ;  1             Ganad