Tababare Carlo Ancelotti Oo Amaan Kala Dul Dhacay Macalinka Kooxda Manchester United, Sir Alex Ferguson

Tababaraha kooxda Chelsea Carlo Ancelotti ayaa amaan kala dul dhacay Tababaraha kooxda Manchester United, Sir Alex Ferguson kadib markii ay labada tababare iska hor yimadeen habeenkii axada. Tarababare Carlo Ancelotti waxaa uu sheegay in kubada cagta looga baahan yahay markasta tababare ay isugu mid tahay guusha iyo guul darada sida Tababaraha kooxda Manchester United, Sir Alex Ferguson“Sir Alex Ferguson Waa nin cajiib ah, mar marka qaar waa loo baahan yahay tababare noocaas ah, isku si ayuu ku salaamayaa hadii uu kaabadiyo iyo hadii aad kabadiso, waliba waxaa dhagta kuugu sheegayaa erey aad ku qososho isku si ayuu wariyaayasha ula hadlaya waa nin khamaar badan waxaan doonayaa in aan noqdo noociisa oo kale” ayuuu yidhi Carlo Ancelotti.
Tababare Carlo Ancelotti oo mustaqbalkiisu uu khal-khal ku jiro ayaa qiray in kooxda Chelsea  aanay hada ubaahneyn dib u habayn xoog leh laakin ay u baahantahay 1-weerar oo da,yar oo lagu buuxiyo booska labada ciyaaryahan ee da,da ah waa Anelka iyo Drogba