Sagna Oo Si Layaab Leh U Dhalillalay Kooxdiisa Arsenal

“Ciyaar Yahanad Arsenal Jidh Ahaan Ma Dhisna, Waayo Aragnimana Malaha, Sanada Soo Socdana Wax Koob Ah Qaadi Mayaana” Sagna
Ciyaaryahanka difaaca ugu ciyaara kooxda Arsenal iyo xulka Faransiiska Bacary Sagna ayaa si kulul udhalilay kooxd uu ka tirsan yahay ee Arsenal kadib markii kooxdaasi ay dhawaan ku khasaartay kooxda yare ee Stock City.Sagna oo cadho ka muuqatay ayaa u sheegay wakaalada wararka ee  (AP)  in uu garan la,ayahay qaabka ay kubada ugu dagaalaan Ciyaaryahanada kooxdiisa Arsenal kuwaas oo uu sheegay in aaney jidh ahaan udhisneyn sidii ciyaartooy.“Waa koox yaab leh maba diyaarsana ciyaartooydu ee maxaan koob qaadnaa maba awoodaan in ay hal qof xita jidh isaga celiyaan haddana waxaa aad u yar waaya aragnimada ay kooxdu heysato marka yaan waxba la isku daalinin Arsenal” ayuu yiri Bacary Sagna.
Xidiga madow ee wadanka Faransiiska ayaa qiray in aanay Arsenal sanadaha soo socda wax koob ah qaadi doonin hadii ay ku soo shir tagto sida ay hada tahay, waxaana uu tababare Wenger uga digay in uu iska dhaadhiciyo in xidigaha aan dhisneyn ee kooxda hada jooga uu kusoo shir tago sanadka soo socda.