Kabtan Vidic: Barcelona Ayaa Ugu Cadcad Inay Badiso Finalka Champions League.

 Kabtan kooxda Manchester United Nemanja Vidic ayaa sheegay in kooxda Barcelona ay ugu cadcadahay finalka Champions League ee 28-ka May ka dhacaya garoonka Wembley.Kulankan ayaa ah mid ku soo celinaya kii 2009, markaasoo ay Barcelona Champions League ka qaaday Manchester, Vidic ayaa sheegay in dadka ay filayaan in kooxda Spanishka ay mar kale badin doonto, balse ay dhankooda ay dadaali doonaan.“Qaabkooda isma bedelin sannado, waa ay adkaan doonaan iyaga ayaana dabcan ugu cadcad finalka inay badiyaan” ayuu vidic u sheegay b92.net..Isaga oo hadalkiisi watana waxa uu yidhi “Lakiin xoogaa faa’ido ayaan heysanaa maskax ahaan sababtoo ah waxaan u dhownahay garoonka, lakiin waan oganahay in taageerayaashooda ay tiro ahaan la mid noqon doonaan kuweena”Manchester United  ayaa hal dhibic u jirta inay xaqiijisato koobkeedii 19-aad ee horyaalka Ingiriiska markaasoo ay noqon doono kooxda ugu guulaha badan horyaalka Ingiriiska.
“Haatan ma heyno wakhtiga aan uga fikirno kulan Barcelona, sababtoo ah waxaa horteena ah kulanka aan martida nahay ee Blackburn, si aan u xaqiijino xisaab ahaan inaan ku guuleysanay horyalka.Markii aan taas xaqiijino ayaan diirada saari doonaa Barcelona” waxaanu intaas ku daray“Wax badan ayay iigu fadhidaa inaan gool dhaliyay, lakiin kooxda guusheeda ayaa ka horeysa, kabtan ahaan waxaan isku dayaa inaan sidaas sameeyo, sababtoo ah in kabtan loo noqdo United waa sharaf, waana inaan abaalgudkeeda la imaadaa” ayuu hadalkiisa ku koobay.