Hooyada Dhashay Kaka: Xilli Ciyaareedka Danbe Waxaan Joogi Doonaa London

Hooyada dhashay ciyaaryahanka Real Madrid Kaka ayaa sii kicisay wararka sheegaya in ciyaarayahankaasi uu xilli ciyaareedka soo socda ku sii jeedo horyaalka Ingiriiska.Kaka ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay inuu ku biirayo kooxda Chelsea, ka dib markii dhaawacyo iyo la qabsi la’aan ay keentay inuu boos joogta ah ka waayo Real Madrid.
Wargeyska AS.com ayaa sheegaya in hooyada dhashay Kaka Simone Leite ayaa bogeeda Twitter ku qortay in ay London u dhaqaaqi doonto sababo diimeed aawadeed, balse si cad umay sheegin in Kaka uu London u wareegayo iyo in kale.“Xilli ciyaareedka soo socda waxaan joogi doonaa London” ayuu ahaa fariintii ay qortay.“Waxaan halkaas tagi doonaa bilowga bisha August” ayay raacisay, waana xilliga horyaalka Ingiriiska uu bilow ku dhow yahay.Mar la weydiiyay in Kaka uu isna si rasmi ah London ugu wareegayo Simone waa ay ka gaabsatay inay ka jawaabto.