Ciyaartii Chelsea waxay Fariin u aheyd Barcelona” Sir Alex Ferguson

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson oo ay kooxdiisu dhawaan guul daro baday Chelsea ayaa sheegay in kubadii ay ciyaareen kulankaaasi ay fariin u ahayd Barcelona. Tababare  Sir Alex Ferguson oo ay kooxdiisu Final-ka koobka horyaalada yurub wajaheyso Barcelona, waxaa uu sheegay in kubad qurux badan oo weerar leh ay soo bandhigeen xidigihiisu isagoo sheegay in uu shaxdaas kula ciyaari doono Barcelona.
 “Waxaan fariin u direynay Barcelona guushaas waxay tusaale u aheyd iyaga, waxaan ogahay in ay cid walba ku qanceyso shaxdaan cusub oo aan dhowaan aaminay” ayuu yidhi Tababare Sir Alrex Ferguson Kooxdda Barcelona nafsad ahaanteed waa ay soo badisay todobaadakan waxaana sida Man United oo kale ay u baahan tahay 1-dhibic si ay ugu guuleysasto horyaalka wadanka Spain waxaana labadaan kooxood ay udiyaar garoobayaan kulanka Wembley.