Wax ka Baro Taariikhda Laacibiinta ugu Layaabka Badan Kubbadda Cagta

 Taariikhda Xiddiggii Dalka Brazil ee Pele, (Qybtii 2-aad),Iyadoo loo tix gelinayo inuu yahay laacibka ugu fiican, ayuu sannadkii 1962-kii dalkiisa kala qaygalay koobkii adduunka ee Chile lagu qabtay, waxaannu goolkii ugu la yaabka badnaa ka dhaliyey wadanka Mexico oo 2-0 ugu quus-gooyeen.
Nasiib darro wixii ciyaarta Mexico ka dambeeyey muu safan, kadib markii uu ciyaartii muruqa dhawac ka gaadhey, waxaaney Brazil kulankii faynalka 3-1 ku garaacday xulkii hore loo odhan jirey Czechoslovakia oo hadda ka kooban dalalka Czech iyo Slovakia.

Pele iyo Brazil waxay iska ilaabeen koobkii xigey ee 1966-kii, kadib markii ay wareega koowaad ku hadheen, waxaannu laacibkan dhaliyey gool keliya.
Isagoo 29 jir, ayaa kadib markii laga maamri waayey markale xulka looga yeedhay, waxaannu 1970-kii kala qaybgalay koobkii adduunka, isagoo dhaliyey mid ka mid ah afar gool oo ay xulka Czechoslovakia, sidoo kale waxa uu dhigay goolka madig ah ee xulka England kaga badiyeen, kaasoo uu u saxeexay Jairzinho.
Koobkan 1970-kii, ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay midka uu Pele mucjisooyinka la yaabka leh dhigay, waxaana lagu xasuusta labada gool uu wadanka Romania ka dhaliyey, kaasoo mid ka mid ah noqday goolkii tartankas ugu quruxda badnaa.
Pele wuxu ilaa 1974-kii ka tirsanaa naadiga Santos, ka hor intii aannu kubbadda cagta ka fadhiisan, isagoo u ciyaaray kooxda dalka Maraykanka ka dhisan ee New York Cosmos oo ku iibsatey lacag dhan 4.5 milyan oo Dollar.
Pele waxa uu guud ahaan ciyaaraha ka dhex baxay sannadkii 1977-kii, isagoo intaas kadib noqday wasiirka ciyaraha ee dalka Brazil, ilaa haddana waa xubin sharafeed ka tirsan xidhiidhka kubbadda cagta adduunka ee FIFA.
Laacibkan Barzil u dhashay oo lagu naaneyso sahamiyaha kubbadda cagta, iyadoo lagu tixgeliyo farsamooyinka uu kubbadda cagta ku kordhiyey, ayaa meel kasta oo dunida ah magaciisa laga yaqaanaa.
Mudadii uu Edison Arantes do Nascimento garoomada ku dhex jirey wuxuu qalinka ku duugey, isla markaana u dhaliyey kooxihii kala duwanaa ee uu u ciyaaray iyo xulka Brazil 1283 gool, waana natiijo aan ilaa hadda cid gaadha la hayn.
Sannadkii 1958-kii waxa uu noqday nukliyeenka goolal dhalinta iyo argagixisada goolhayeyaasha, kadib markii uu dhaliyey 139 gool, waana natiijo aan weli dunida ka dhicin inuu ciyaartoy hal xilli-ciyaareed dhaliyo goolal tiradaas le’eeg.
Abaal marinta nabada adduunka, ayuu 1978-kii ku guuleystay, halka 1980 ay guddida Olympic-ka adduunka ugu magac dareen tartankii wakhtigaas ee ciyaaraha Olympic-kada adduunka.
Dhamaad.