Man City iyo Real Madrid oo ku Loolamaya Difaaca Kooxda Arsenal ee Gael Clichy

Kooxaha Manchster City iyo Real Madrid, ayaa loolan adag ugu jira helitaanka difaaca baasha bidix uga ciyaara naadiga Arsenal ee Gael Clichy, waxaana sidaas xaqiijiyey guddoomiyaha Gunners-ka.
Labadan naadi oo ka mid ah kuwa hantida badan la geliyey, ayaa xiddiggan ku baadi-goobaya lacag dhan 5.5 milyan oo Pound, isla markaana ku darsaday liiska laacibiinta xilli-ciyaareedka dambe damacsan yihiin inay iibsadaan.

Qandaraaska uu laacibkan dalka Faransiiska u dhashay ku joogo garoonka Fly Emirates, ayaa ku dhamaanaya dabayaaqada xilli-ciyaareedkan, balse Arsenal, ayaa ka cago jiidaysa inay heshiiska u cusboonaysiiso.
Dhinaca kale tababaraha kooxda Arsenal, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka werwersan yahay qorshaha kooxdani ku dooneyso inay xiddiggan ku iibsato, isagoo xusay inay ku gacan saydheen codsi uu  Clichy ku doonayen in mushaharkiisa toddobaadlaha ah loogu kordhiyo 50,000 oo Pound.
26 jirkan u dhashay dalka Faransiiska, ayaa ku jira laacibiinta kooxaha waaweyn ee Yurub sida aadka ah u baadi-goobayaan, waxaana isha ku hayo qaar ka mid ah naadiyada dalka Talyaaniga.
Dhinaca kale waxa naadiyada tartanka ugu jira helitaanka xiddiggan ka mid kooxda Liverpool oo ku dooneysa 6 milyan oo Pound, taasoo ka badan qiimaha labadaas kooxood ku raadinayaan.
Tababaraha kooxda Real Madrid ee Jose Mourinho, ayaa shaaca ka qaaday in uu laacibkan si fiican u yaqaano, isla markaana yahay ciyaartoy ku fiican dhinaca difaaca iyo caawinta weerarka.
Macallinkan u dhashay dalka Portugal, waxa kale oo uu shaaca ka qaaday laacibkan la hadlay, isagu uu xiisaynayo magaalada Madrid, waxaannu intaa ku daray inuu guddoomiyaha naadiga ku qancin doono sidii kooxda loo keeni lahaa.
Geesta macallinka kooxda Man city ee Roberto Mancini oo dooney inuu naadiga dhiso haddii ay ka mid noqdaan afarta kooxood ee horyaalka Ingiriiska ugu sareeya, ayaa cadeeyey xiisaha uu laacibkan u hayo.