Arsenal Oo Iibinaysa Kabtankoodii Febregas

Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarinayso qaabkii ay isaga iibin lahayd kabtanka kooxda Fabregas, iyagoo ku qiimeeyay 35 milyan oo gini.
Kooxda Arsenal ayaa sheegtay in lagu jiro sannadii ugu danbaysay ee Fabregas xilli ciyaareedka kooxda Arsenal uu lajoogo.
Arsenal ayaa sheegay in xiddigooda uu la joogay muddo badan, ayna kooxda siin jirtay toddobaadkiiba 120.000 kun oo gani.
Fabregas ayaa kooxda ka niyad jabay, markii ay ku guul daraysatay inay koobab ku guulaysato kooxda, isagoo horay u sheegay inuusan u dulqaadan karin koobab la’aan, isagoo kula taliyay kooxda inay ka doorato inay ciyaartooy soo saarto iyo inay koobab ku guulaysato.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta kooxda Arsenal ayaa sheegay in Fabregas muddooyinkii ugu danbeeyay uu doonayay inuu kooxda isaga tago, waxa uu intaas sii raaciyay mas’uulka in kooxda Arsenal aysan badeli karin mowqifka ciyaartooyga.
Fabregas oo wareysi siinayay radio ku yaalla dalka Spain ayaa u sheegay inuu ku jaha wareeray mawjadaha kooxda Arsenal ay dhex maquuranayso, isagoo sheegay inuu kooxda ka niyad jabay
Si kastaba ha’ahaate Fabregas oo sideed sanadooda la joogay kooxda Arsenal ayaa looga gacan haatiyay dalkiisa Spain inuu mar kale ku noqdo, iyadoo kooxda Barcelona ay ciyaaryahankaas doonayso..