Tartanka Koob Loo Qabtay Fasalada Dugsiga Oday Xaaji Maxamed Ee Degmada Sheekh Oo La Soo Gebogebeeyay

Sheekh-(Berberanews)-Maamulka dugsiga Oday Xaaji Maxamed ee degmada Sheikh ayaa koob muddo soo socday oo ay ku tartamayeen Ardayda Dugsigaas gaar ahaan Fasalada 8aad,7aad,6aad oo mid walba ay ka socdaan laba fasal, loo soo gabagabeeyey maanta ka dib arkii labadii kooxeed ee isugu soo hadhay koobkii kala qaadeen.

Koobkan oo billabmay bishii hore badhtankeedii ayaa waxa u ahaa is wada arag waxaanu socday muddo bil iyo badh ah.
Labadii kooxeed ee isugu soo hadhay koobkan oo ka kala socday fasalada 8Aiyo7B,ayaa waxay guushu raacday ardaydii ku tartamaysay fasalka 7B ayaa waxa labada kooxood ay wakhtigii ciyaarta ay isla dhaafi waayeen gool la’aan,taas oo loo dhigay Rigoorayaal ama Goal ku laad,waxaana 4gool keensaday ardayda fasalka 7B,halkan 8Ana uu keensaday 3gool.
Waxaa caawa xaflad gudoonsiin ah loogu qaban doonaa ardaydii ku guulaysatay koobkaas sida uu noo sheegay Maamulaha dugsiga H/Dhexe ee Oday Cabdi dheere oo aanu koobkan wax ka waydiinay ayaa waxa uu yidhi.
Koobkan waxaanu u dhignay ardayda dugsiga waxaana ku tartamaayey 6 kooxood 6illa8 ah ujedadiisuna waxay ahayd si aanu u dhiiri galino ardayda, muddo ayaanu soo wadnay markaa maanta ayaanu soo gabagabaynay jaa’isado ayaanu siin doonaa cidii ugu goolal badnayd iyo ciyaar wanaaga iyo koobkiiba.
Khaddar Jamac Xaashi
Berberanews.
Berbera/office
Dalmar0002@hotmail.com