Manchester United 1 VS New Castle 1

Tababaraha Manchester United Ralf Rangnick ayaa qirtay “aanau jecleyn qaab ciyaareedkii xalay gabi ahaanba” ka dib markii uu arkay in kooxdiisa ay dhibco ka heshay Newcastle.

Edinson Cavani ayaa ka soo kacay kursiga kaydka si uu u dhaliyo goolka barbaraha ee qaybtii danbe ee ciyaarta ka dib markii ay si xun u liiteen qaybtii hore ee ciyaarta.

Inta badan ciyaarta, Red Devils oo aan qaab ciyaareed fiican ku jirin ayaa si isdaba joog ah uga hadhayay kubad haysashada, taakalada ay qasaartay, waxayna ku guul darreysatay inay halis joogto ah u soo bandhigto difaaca guriga oo habaysan. Goolkii Cavani ayaa xaqiijiyay in Rangnick aanu la kulmin guuldaradii ugu horeysay isagoo ah macalin ku meel gaadh ah, laakiin dhibicdu si weyn ugama caawineyso raadinta booska afarta sare.

Waxa ay heystaan ​​kulamo u hadhsan kuwa iyagu ka sarreeyan, laakiin waxa ay 7 dhibcood ka hooseeyaan Arsenal oo ku jirta kaalinta afaraad.

“Maanta maanaan xakameynin ciyaarta marka laga reebo dhowr daqiiqadood,” Rangnick ayaa u sheegay Sky Sports. “Waxay ku saabsan tahay tamarta, jirdhiska iyo cidda ku guuleysata kubbadaha labaad, dhammaan meelahaas maanu ahayn kuwa ugu fiican.

“Dhibaatada noogu weyn waxay ahayd qaladaadkii aan sameynay, xitaa markii aan dhalinay goolka barbaraha ma aanan xakameynin ciyaarta oo maanu qaadanayn go’aamo sax ah.