Maxaad ka ogtahay guryaha dhulka hoostiisa ee Switzerland?

Magaalada Lucerne ee dalka Switzerland waxa ay mar ahayd hoyga dhulka hoostiisa ugu weyn ee adduunka.

Waxaa loo dhisay in inay ku  hoydaan 20,000 oo qof haddii uu dhaco weerar Nukliyeer ah iyo iyada oo qayb ka ah siyaasadda Swiss-ka, waxay weli u diyaarsan tahay masiibo suurtagal ah.

haddii uu qarxo  dagaal sadddxaad oo dunida ka dhaca kaasoo la filayo in gantaalo nuclear ah laysu adeegsado,
waxaa muwaadiniinta switzerland u diyaarsan guryo dhulka hoostiisa ah oo ay ku gabban karaan.

Swiss undergound city

Guryahaas dhulka hoostiisa laga dhisay waxaa ku diyaarsan isbitaalo, qolalkii ay seexan lahaayeen, dharkii ay xiran lahaayeen, Cunto iyo cabitaan ku filan muddo 6 bilood ah.

Dowladda Switzerland waxay soo bilowday fikraddan ah in guryo laga dhiso dhulka hoostiisa sanadkii 1960 ilaa iyo haddana dhismo iyo horumarin ayey ku sii waddaa.