Wasiirro ka tirsan Golaha Ingiriiska oo Karantiin la geliyay

London-(Berberanews)-Saddex wasiir oo ka tirsan golaha wasiirrada UK ayaa la karantiimeeyay ka dib markii ay xidhiidh dhow la sameeyeen ra’iisul wasaare ku xigeenka Australia, Barnaby Joyce, oo markii dambe laga helay cudurka ‘Covid’.

Dominic Raab, ku xigeenka ra’iisul wasaaraha iyo xoghayaha cadaalada, Grant Shapps, xoghayaha gaadiidka, ayaa karantiil la geliyay ka dib markii ay xidhiidh la sameeyeen Joyce markii uu booqday London horaantii todobaadkan.

Ka dib, afhayeen u hadlay Michael Gove ayaa sheegay in xoghayaha bulshadu uu sidoo kale is karantiilay ka dib markii uu la xidhiidhay Joyce.

Sida sharciga qabo, xidhiidhka dhow ee kiisaska togan ee Covid ma aha inay gooni loo karantiilo ​​ilaa inta ay ka helayaan baadhitaanka PCR natiijaduna ay soo noqoto positive ah.

Si kastaba ha ahaatee, qof kasta oo xiriir dhow la leh qof la xaqiijiyay ama looga shakisan yahay inuu qabo kala Viruska cusub ee Omicron waa inuu sameeyaa baadhitaanno maalinle ah.

Joyce, oo si buuxda loo tallaalay, ayaa tan iyo markii uu ka tagay UK waxa tijaabisadiisii Viruska laga helay intuu joogay Washington.