Wasiir Ciise Kayd oo Qudbad Cajiiba Qadiyadda Somaliland ugu bandhigay Dowlada iyo Shacabka Canada

Ottowa (Berbera News)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale oo socdaal shaqo ku jooga dalka Canada, ayaa caasimadda dalkaas ee Ottowa kaga qayb-galay shirweyne kor loogu qaadayo qaddiyadda Aqoonsi-raadinta Somaliland.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Canada isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen jaaliyadda Somaliland ee dalkaas, waxa uu Wasiir Ciise Kayd ka jeediyey Khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa oo uu ku soo bandhigay dhowr luqadood, waxaanu kaga warramay geeddi-socodkii horumarka iyo dhismaha qaranimada JSL iyo heerka ay xilligan marayso, isagoo si qoto-dheer u faahfaahiyey dedaalka aqoonsi-raadinta ee xukuumadda uu ka tirsan yahay ku hawlan tahay.

Khudbadda wasiirka kaga bogo muuqaalka Hoose