Wasirro Ingiriis ah oo jebiyey go’aan lagaga mamnuucay inay shirarkooda la galaan moobillada

Qubane-(Berberanews)-Wasiirro toban kor u dhaafay oo ka mid ah Golaha Wasiirrada dawladda Ingiriiska, ayaa lagu qabtay moobillo ay la galayeen shirkooda, kadib markii ay iska dhego mariyeen go’aan uu Ra’isa-wasaare David Cameron ka soo saaray in aan shirarka lala gelin telefoonnada gacanta uu ka cabsi qabo in lagu basaaso.

Moobillada sida gaarka ah loo mamnuucay oo ka mid yihiin Blackberries, iPhones iyo kuwo kale ee casriga ah waxa shirarka Golaha Wasiirrada amma xukuumadda laga joojiyey sannadkii 2010-kii, iyadoo laga cabsi qabo in basaasiinta ajnebiga ah dhegaystaan doodaha ka dhex socda shirka wasiirrada Ingiriiska, iyagoo jabsanaya moobilladaas casriga ah.

Haddaba, markii Madaxa Ammaanka Xukuumadda Britain la socodsiiyey wasiirrada in ay moobillada soo dhigaan marka shirarka la gelayo, ayaa Ra’iisal-wasaaruhu soo saaray 12 ka mid ah wasiirrada oo jebiyey sharcigaas.wasiirro

Xubnahan oo ka mid ah wasiirrada ugu awoodda badan Ingiriiska waxa halkaas looga akhriyey mawduuc ku saabsan sida moobiladu u jebin karaan ammaanka, waxaanay qaar badan oo ka mid aha qasab ku noqotay in ay si sir ah sharcigaas u jebiyeen oo ay moobilada qarsadeen.

Ra’isal-wasaare Cameron waxa uu ku dhawaaqay in go’aankii moobilada lagu mabnuucay uu joojiyey, sida laga soo xigtay wargeyska Mail maalintii Axadda ee toddobaadkan.

“Waxa uu Xoghayaha Qaranka u sheegay iyo kuwa kaleba in qof kastaa hayso daqiiqad uu qolka kaga baxo, dibaddana soo dhigo telefoon amma moobayl kastoo uu la soo galay shirka. Ku dhawaad 12 wasiir ayaa dambigaas galay oo laga helay,” ayaa lagu qoray warbixinta wargeysku faafiyey.

Wasiirrada oo dhawr moobil sita badankoodu waxa mararka qaar fashila telefoonka ay qarsadeen oo farriin Email amma kuwo kale ku soo dhacaan, kaasoo lagu war helo shirka oo badhtanka lagaga jiro, halkaasna lagaga saaro shirka socda.