Chelsea oo ku guulaysatay Horyaalka Ingiriiska

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa ku guulaysatay Horyaalka Ingiriiska kaddib markii uu ciyaaryahan Michy Batshuyi uu u dhaliyay goolka kaliya ee ay xalay uga badisay kooxda West Brom.

Goolka Batshuyi uu dhaliyay 8 daqiiqo oo kaliya mar ay ciyaarta ka harsan tahay ayaa waxa uu u sahlay kooxda Chelsea inay noqoto Horyaalka Ingiriiska ee sanadkan weliba iyadoo ay 2 ciyaar u harsan tahay.
Daafaca kooxdaasi Gary Cahil ayaa sheegay in tani ay tahay waqti muhiim ah oo ay kooxdu leedahay.
Tababaraha Chelsea, Antonio Conte, ayaa isana sheegay inuu doonayo inuu ku guulaysto koobka FA-ga si uu sanadkii ugu horreysay ee uu maamulo kooxda Chelsea uu ugu guulaysto laba koob oo muhiim ah.
Kooxda lagu naanayso Blues-ka ayaa markii lixaad noqotay Horyaalka Ingiriiska, waxa ayna Chelsea finaalka koobka FA-ga 27 bishan kula dheelaysaa kooxda Arsenal ee ay ka wada dhisan yihiin magaalada London.
Tababare Conte oo kooxda Chelsea la wareegay kaddib markii uu dhammaaday tartankii Qaramada Yurub ee Euro 2016 ayaa sheegay inuu u wareego hannaanka saddex daafac ah wixii ka dambeeyay guuldarradii 3-0 aheyd ee ay kooxda Arseanl dhabarka u saarisay bishii September ay wax weyn ka badeshay hab ciyaareedkii kooxda ee xagaagan.
Kooxda Chelsea ayaa xilligaas waxa ay ku jirtay kaalinta 8-aad oo waxa ay 8 dhibcood ka hoosaysay kooxda horyaalka xilligaas hogaaminaysay ee Manchester City kaddib markii ay guuldarradaa 3-0 ah kala kulantay garoonka Emirates.
Balse waxaa xigay 13 ciyaar oo xiraar ah oo ay kooxdu guulaysatay, haatanna waxa ay 10 dhibcood ka korreysaa kooxda ugu soo dhaw ee Tottenham, laba ciyaar oo qura ayaana ka harsan horyaalka sidaana waxa ay Chelsea ku noqonaysaa Horyaalka Ingiriiska ee xagaagan.