Lionel Messi oo shaaca ka qaaday in uu ka fadhiisanayo kulamada caalamiga ah ee uu dalkiisa u safto

Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday in uu ka fadhiisanayo kulamada caalamiga ah ee uu dalkiisa u safto, kaddib markii uu khasaariyay gool ku laad, ciyaartii ay xalay fiinaalka Copa Amerika Chile uga qaaday Argentina.

Chile oo finaalkii kan ka horeeyay ka qaaday isla Argentina, ayaa waxaa ciyaartii xalay sida tii ka horeysay ay kusoo idlaatay rigoorayaal ama gool ku laad.

Argentina ayaa ku guuldaraysatay afar fiinaal oo ay gaadhay sagaalkii sano ee lasoo dhaafay.

Messi, oo 29 jir ah, ayaa sheegay in uu dadaalay intii karankiisa ah, balse uu aad uga xun yahay inuu koobab ku guuleysan waayo.lion messi

Laacibkan ayaa naadiga uu u ciyaaroee Barcelona waxa uu la qaaday 8 koob oo La Liga ah iyo 4 Champions Leagues ah.

Balse biladda keliya ee uu kulamada caalamiga ah ka haysto ayaa ah dahab la gudoonsiiyay ciyaarihii Olympiga ee sanadkii 2008.

Xigasho Bbc Somali