Xulka ugu Xun Kubbadda Cagta Adduunka: Saddex Ciyaarood ayaa 114 Gool Laga Dhaliyay

Iyadoo ay socdaan ciyaaraha dalalka Pacifics-ku ugu tartamayaan ciyaaraha Olympics-ka ee sannadka dambe Brazil ka dhici doona ayay ka soo baxeen dhacdooyin cajiib ah oo jebiyay rikoodho kubbadda u yaalay.

Micronesia waxa uu noqday xulka ugu xun kubbadda cagta adduunka, kadib markii saddex kulan oo ay yeesheen laga dhaliyay 114 gool, taasoo aan taariikhda kubbadda cagta hore ugu dhicin inta la og yahay.

 

Kulankii u horreeyay ee Micronesia yeelato waxa 30-0 kaga badiyay Tahiti, iyadoo la yaaban yahay ayay ciyaartii labaad Fiji kaga badisay 38-0, balse waxa afku juuqda gabay markii kulankii saddexaad Vanuatu 46-0 kaga badisay.

Micronesia oo ah waddan yar oo ku yaala badda Pacific-ga ayaan xataa awoodin inuu helo 23-ka ciyaartoy ee sharci ahaan looga baahan yahay ciyaaraha caalamiga ah, waxana tartanka uga qaybgeleya 18 laacib.

xulka-ugu-xun