Casillas oo Loo Ballan-qaaday in Laga Dhigi Doono Laacibka ugu Mushaharka Badan Portugal

Kooxda Porto ayaa Iker Casillas u ballan-qaaday inay ka dhigi doonaan laacibka ugu mushaharka badan horyaalka Portugal, haddii uu ogolaado inuu xaggaagan ka mid noqdo si uu ugu ciyaaro.

Porto waxay laacibkan reer Spain u ballan-qaaday inay bil kasta mushahar u siinaan doonaan lacag qadarkeedu yahay 210 kun oo euro, taasoo aannu jirin ciyaartoy horyaalka Portugal ka ciyaraha oo mushaharkan qaataa.

 

Iker Casillas ayay Real Madrid sannadkii mushahar u siisaa lacag dhan 7.5 milyan euro, hase yeeshee waxa loo sheegay in mushaharkiisa laga dhigi doono 7 milyan euro haddii uu jecel yahay inuu sii joogo.

Dalabka Porto waxa uu ku soo beegmay xilli mustaqbalka goolhayahan shaki badan ku jiro, isla markaana saxaafadda Spain sadaalinayso in aannu ka mid ahayn laacibiinta Rafa Benitez qorshaha ugu jira.Iker-Casillas