“Wasiir Maxamuud Xaashi Xaafadda Axmed-Dhagax Ma Habluu Ka Guursaday”

Maxamuud Xaashi waa ninkii maalintii Xunnayn Iyo Beder ee aynu faqashta is-haysanay keligii soo talaabay, hadduu (SNM) ka soo talaabo ciil maan qabayn ee qorigii ayuu nagala soo talaabay,”
 
 
 
Maxamed Biixi Caali (Ooto), ayaa waxa uu xaal ka bixiyay Fijaan ay koox isticmaashay macaga dhalinyarada Aqoonyahanka Xaafadda Axmed-Dhagax ay siiyeen Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,isla markaana uga digay dadweynaha reer Somaliland inaanay dhaqankaa ku cusub caaddada Soomaalida qaadanin.
 
 
MAXAMED BIIXI CAALIN (OOTO)
 
Ooto Biixi waxa uu Wasiirka Duulista Hawada Somaliland ku tilmaamay inuu ahaa ninkii wakhtigii SNM halganka kula jirtay dawladdii Millateriga ahayd inta uu ka soo baxsaday SNM-tii macaa qorigiisi isu dhiibay, isaga oo ku sifeeyey inaanu geyin xitaa in waraaq cad la guddoonsiiyo, iska daa fijaannada Hablaha la Guursado Dhaqan ahaan loo raaciyo in lagu abaal-mariyee.
 
“Waxaan maanta ka hadlayaa arrin aan dhaqanka Hargeysa iyo dhaqanka reer Somaliland-naa, midna ku jirin. oo habeen hore ka dhacday Xaafaddayada Axmed-Dhagax. Berigii Faqashtu waddanka joogtay ayaa la odhan jirey quruxda hablaha ayaa la eegayaa. ee hablaha tiyaatarka ha la keeno. Xaafadayada Axmed Dhagax waxay ahayd reerihii ereyadaas aad ula yaabi jirey.” sidaa ayuu yidhi Maxamed Biixi Caalin oo warramayay Shabakadda Wararka ee Hayaannews.com oo aannu Warkan ka soo xigannay.
 
Mujaahid Maxamed Biixi Caalin waxa uu ku tilmaamay Wasiir Maxamed Xaashi inaanu Istaahilin in la gudoonsiyo waraaq cad, iskadaa fijaan la siiyo,isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi
 
“Xaafadayadu waxay sameysay waxaan umadda reer Somaliland samaynin, qof aan istaahilin in Fijaan iyo waraaq cad midna in la siiyo ayay fijaan gudoonsiiyeen. Umaddu way isa nsharaftaa oo wax ayay I sa siiyaan, laakin fijaanka waxay u naqaana wax dhaqana oo la raaciyo hablaha la Aroosto. Wasiir Maxamuud XAASHI Xaafada Axmed Dhagax ma Habluu ka Guursaday? Diiqada ay siinayeen maxay ahayd?”
 
Mar uu Maxamed Biixi Caalin la hadlayay umadda reer Somaliland-na waxa uu yidhi“Waxaan uga digaya dadweynaha reer Hargeysa qorshahaa cusub ee ay nimanka xaafadayada ahi bilaabeen. Inaydaan ku dayan, Xaalna waan idinka siinaynaa dhaqankaa xumada halkaas ka dhacday”
 
Mujaahid Maxamed Biixi Caalin oo ka hadlayay wakhtigii adkaa ee Ururkii SNM halganka dib u xorreynta kula jireen faqashtii, ayaa waxa uu ku eedeeyey Wasiirka Duulista hawada Somaliland inuu ahaa ninkii SNM-tii ka soo cararay ee faqashta isu soo dhiibay, waxaanu yidhi “ Maxamuud Xaashi waa ninkii maalintii Xunnayn Iyo Beder ee aynu faqashta is-haysanay keligii soo talaabay, hadduu (SNM) ka soo talaabo ciil maan qabayn ee qorigii ayuu nagala soo talaabay,”
 
“Dhalinyarada waxaas ku shaqeysata iyo kuwana waa-wayn-ba waxaan leeyahay umadda ka fadhiista, oo xishooda beeshuna “ARAB” wax aanay ab iyo sirtoona u lahayn ha ku bilaabina oo ha u horseedina,
 
 
Mujaahid Maxamed Biixi Caalin ayaa waxa uu ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM nabaddaa ay Somaliland maanta ku naaloonayso kuwii naftooda iyo dhiigooda u soo hurey ee keenay, isla markaana waa nin aftahana oo kaftan baddan oo run sheega.